Jaamac Jiir Oo Sheegay Xukuumadihii Soo Maray Somaliland In Ay Tahay Tant Maanta Tii Ugu Dulqaadka Yarayd.
Tan iyo intii xukuumadu ay taladadalka ay lawareegtay waxaa hadheeyey busaarad kuna habsatay bulshada reer soomaaliland ee gudaha dalka degan Iyadoo u taabatay xaafad xaafad siiba dadka danyarta ah ayaa danbaska noqday busaarada awgeed tasoo xiitaa maciishadii lagu noolaa aanay waxba goynayn oo cirka isku shareertay
Xukuumaduna waxay ku guul daraysatay inay arinkaasi sixirbararka wax ka qabato
Dhanka kale wasiirka madaxtooyada ayaa baryahanba waxay u xidhnayd muwadinad uu leeyahay way I cayday
Tasoo uuu u sheeganaayo shaadh dawladeed waxaanan leeyahay nin durbaan tuntay waxaana cayda leh kursiga ee maaha adi
Ee hadii aanad doonayn in lagu caayo xilka iskaga tag markaa cidina ku caayimaysee laakin waxan leeyahay intaad xilka heyso cidina ku dayn mayso
Waxaana la yidhi nin yidhi waa lay caayey ceeb ayaa ka raacda
Ee waxaan ku leeyahay waa nisi ee usoo celi xoriyadeedi
Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha oo isagana nin hotel ku kaftameen dabadeedna xanaaqay wasirku uuu isna inta uu usoo diray rru da uu u taxaabay jeelka
Arintaasi mudane madaxwayne miyaanay arinkaasi ay wasiiradaadu samaynayaan ee ay dadka ku xidhxidhayaan ee ay uso xidhxidhanayaan shaadhka dawlada miyaaanay
Hadaad ka aamusto oo aanad waxba ka qaban miyaany dadku modayn inaad la qabto arinkaasi dhanka kale munaasibadii sanad guurada ciidanka qaranka warbaahinta qarna wa loo sii daayey qaarna waa laga celiyey tasi oo arinta ku noqonaysa baal madow
Warbaahinta oo ah ti madexwayne siilaanyo u halgantay inaaad ku fadhiisato kursiga
Arintasi xukuumadu ha ka dayso warbaahintaa ay qaarna ka rebayso qaarna u sii daynaayso
Dhanka kale mudane madexwyne inad aduu tahay daacad laakin raga kugu hareeraysan ay yihiin rag jilecsan oo aan waayo aragnimo aan lahayn oo ay dhici karto
Haayadaha manta jiraana ay sabab u yihiin dhaliilaha manta jira
Waxa jira agaasima yaasha iyo badhasaabada iyo maayirada in tababar aqooneed iyo mid kartiyeed aad u furto oo aad barto sida dadwaynaha u wada shaqayn karaan
Golaha deeganka cusubi waxay mareen golihi deegaanki hore bilicda waxaa ka horaysa
Baahida waxaana haboon in marka dadka la dareerinaayo in dadka digniin la siiyo meelana loo sameeyo
Laakin maaha in aad cagaf aad galinsaan
JAAMAC JIIR
______________________________________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

