JAWAAB MAQAALKII C/ RISAAQ SUUDI EE NINKAA QIIMEEYEY KELIGII UMMADDA, By: XUSEEN XIRSI CAAMIR CALI
ASC WR WB
Ka dib sallaantaa islaamka eek or ku xusan waxaan doonayaa inaan u saxo cabdi Rsaaq suudi nuur Qaladaad ku jira maqaalkiisa uu Qoray 21/2/2013 ka ee uu kaga hadlayo sida loo agaasimey Qiimee Qofkaaga
Hadaba isgoo c/ risaaq ku dhexjira maqaalkiisa oo ka hadlaaya ama billaabayaba ayaa waxa uu halku dhig ka dhigtay Tuducyo ka mid ah silsiladii xaydha waxaanaad moodaa inuu c/ risaaq laftiisu manta ka garnaqay gartii silsiladdii xaydha la magac baxday oo uu cadayn u samaynayo in subagii gabaygu ka kacay uu ahaa xaydh uu aabahay xirsi cali buraale (xirsi caamir)ilahay dhamaantood ha u raxariistee soo iibiyey xaydh hadaba malaa waxay ku haboonayd arrintu inuu c/ risaaq kolka hore doono xog inta uu hayo ka waafisan xataa waxa jirta in gabayada aanu saani u wada haynin oo is dhaaf ku jiro teeda kale majirto meel cadaynaysa inaanu weerar sahayda qayb ku lahayn oo uu faro madhnaa ama gabay ha noqoto ama si kaleba haloo maqlee, waxa kale oo uu cabdi risaaq ku daray hadalkiisa inuu weerar rabi ha uaxariistee gabayga tiriyey markii laba jeer wax la cunay taasuna ma jirto oo way ka qaldantay c/ risaaq malaa waxa uu u cuskaday aad laba gadiid ka hirqataad honono ,aysaaye, waxa kale oo xusid mudan inuu qoraalka c/ risaaq aad u muujinayo kalsooni uu ku qabo waa c/ risaaq e inuu subagaasu xadh ahaa taasna jawaabteedu waxa weeye adeer c/risaaq sida ninkaa aad haysato ee qiimee qofkaagu keligii ku koobantahay ayay arrintaasu keligaa kugu koobantahay e dib u baadh taariikhda oo ku noqo.
Hadaba hadaan isku dayo inaan wax ka yara iftiimiyo oo intii karaan kayga ah aan tilmaamo sidii ay ku bilaabatay silsilladaasu anigu ilaahay ha naxariistee aabahay wax baan ka weydiiyey weerar calina wax baan ka weydiiyey aar xaldulle rag badan oo waraysaty baan arkay diiriye aw guuleed sidoo kale ragii nolol wax kaga qoray ee la kulmay aya jooga, kuligoodna sidaa c/ risaaq u yidhi hadalka way kasoo hor jeedaa oo maaha sax
Taariikhduna waxay leedahay raad raac iyo iliilo loo maro marka aad doonayso inaad ka sheekayso ee maaha inta qalin la qaato in si fudud loo tebiyo waayo waxay keeneysaa in la leexiyo qayb dhan oo ka mid ah soo jireenkii ama soo yaalkii ummadda haatan iyo gebo gebo waxaan odhan lahaa sxb kay ,c/ risaaq suudi nuur markaad wax qorayso hadaanad u badheedheynin qaladaadka horta raadso xog sax ah si bays ka ama aasaas ka uu ku fadhiyo qoraalkaagu uu u naqdo mid miisaan yeesha cidina aanay kaaga dabo imanin
Waxa kale oo aan kuu sheegayaa sidaan hore u xusay anigu aabahay waan la fadhiista weerarna waan la fadhiistay aar xandule waaln la fadhiistay guleed xawaashe waan arkay in kasta oo aan yaraa ragii kale waxaan ka hayaa warar sugan maantana cid iiga war roon waxaan filayaa inaanad la kulmin ee aad male awaal ku qortay taariikhdaa laguuguna garaabi mayo waayo ehella waad u taxay ragas cimrina waad u joogtaa inaad sida saxa ah ku ogaato laakiin wadada saaxiibkaa keligii ummadii ku qiimeeyey ayaad adna keligaa ku garnaqaday.
XUSEEN XIRSI CAAMIR CALI
Wa billaahi tawfiiq
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
