Maanso La Magac Baxday (Marlabaad) Abwaan Moholin.
waxa aan salaama yaa bulshada
soomaalilaan
warbaahintana waxaan usheega yaa
in ay maansooyinka qaranka
wakhti ku filan udaayaan shaashadda
si ay ugaadho cidda ay khusayso
sida aa hees yaroo aan macna lahayn
ay iskaga jirto wiigag badan
wax sheegana ha ka xanaaqina
ee murtida xaqeeda mariya
waa maanso la yidhaa
Mar labaad diyaar baan ahee
Waa inoo madasha
—— ——- —— ——
aan bilaabo
Murti gabaqy minhaaj kiisa weyn
Marinka loo raaco
Muftibaan ay goortuu ubaxo
geliya miisaane
aan mariyo maansadan saq dhexe
miratay laab taydu
.
Haddaad maqashay midaw baa ka jiray
Magaca soomaali
Maskax weeye beeri aan lahaa
Waad marsiin kariye
Shanta oo masowdaan lahaa
Way macaan badane
Muxibiyo kalgacal baa iwaday
Gobiyo maan keede
.
Musuq iyo inaan maasuq geli
Mugdibay gesheen xaajadaan
Mooradaw rogaye
Waxaan malaba kuu sheegi Karin
Yay na mariyeene
Magic raadis bay gaadhay iyo
Miig ku roorsada,e
.
Soddon buu macmiishaw ahaa
Maalka reeruhuye
Mageyaan ku toosiyo berbera
Miidhashada guude
Maalintaa wixii ila gudboon
Waanigii maraye
Midigtayda aarsiga taqaan
Mahad ilaahay ye
.
Malahiyo sidii ay qabeen
Macalin kii beentu
Madhan bay degtiyo baaba ii
Loo muquun samaye
In kastoon qadhaadh muudsadoo
Maydku tira belay
Maansha ALLA goortii xornimo
Calanka aan muujay
Saddex midable waa kaa lushee
Loo mashxara daaye
Muruq iyo dilbuu noogu kacay
Mawdka geesiga,e
.
Waxa miinka aan uga soda
Muuqan iyo faalo
Maskaxdiisa geli kaan ogayn
Mudan ka taariikhda
Midaan dhalan markaan calan lahaa
Manta iladooda
Moogaha aqoon gaaban iyo
Moordi dhinac jooga
Maddaa calay in laynoo furan
Meesha qabnanayne
.
Toodan murugsan maydhaan ka iyo
Muran hareeree yay
Baahi maamul taasaa ka mudan
Meel udayad keede
Ku meer meerka soomaali laan
Waw macnala aane
.
Waa dawlad magaceedu yaal
Maamka dunidaase
Waa dawlad madaxdeeda iyo
Shacab ismuunay
Maalgashiyo aqoonsiba ku wii
Naga masuugaaya
Waa dawlad kaa maaran too
Mawla kaa shada,e
.
Macdan tooda iyo xoola nool
Midhaha beeraaba
Waa dawlad maarayn taqaan
Kuna maqaam weyne
Waa dawlad meertiyo afgarad
Miiska loo dhigaye
Mid maraykan daadihina yoo
Maaha soo diraye
Mitid kaa la dhoob dhooba yaw
Garo muraad kaaga
.
Waxba miinku yuu ila durkine
Waxan ku soo meershay
Xuduudayda meersani hadday
Maganta kaa weydo
Mar labaad diyaar baan ahee
Waa inoo madash
Maxamuud cismaan ( Moholin
