Maanso La Magac Baxday (QALOOCAN)
Maansadan magaceeda waxa la yidhaahda Qaloocan waxana curiyey Abwaan Mustafe Maxamed Jibriil (Khashab) waxuuna ku bilaabay sidatan:
Suugaantu Waa Qani
Hadba Qaab U Socotee
Hadaan Qeexo Weedhaha
Balqisadan U Fiirsada
Qosolkiyo La Yaabka Leh
Sifanayaasha Qarkood
Qortaagu Waa Belo
Inan Baa Qab Weynaa
Hablaha Qureysheed
Ka Qashafi Jirayoo
Waxuu Qamo Reero
Qaaradaha Wareegaba
Qoraxii Danbeetu
Quman Meel Ka Halacasaday
Alaylahee Qiyaastii
Tanaa Kuu Qal Maysuu
Qalbigiisa Kula Faqay
Kulan Baa La Qaato
Hasaawe Quruxbadan
Markii Laysku Qaabiley
Qastigiyo Ujeedada
Layskuma Qilaafine
Qabanqaabo Guuriyo
Qorshaa Lagu Heshiiyo
Boqol Qaalmo Geeliyo
Qori Buu Ka Dhigay Yarad
Iyo Baarqab Qalimo Leh
Qarashiyo Dhaqaalena
Qadi Maada Raacsi
Qastigii Arooska
Deg Deg Loo Qotomiyoo
Guri Qurux Hanan Wacan
Sharaf Luugu Qalabay
Qoraxii Danbeetana
Qoyskii Is Guursaday
Qudhay Aqal Galaayen
Inankii Qaloociyo
Qiso Aanu Filanayn
Qardoofa Haleesho
Qaac Lagu Mareyaa
Qorshe Kale Dureyaa
Qoraansi Daymada
Indho Qabatin Kiisi
Ka Qarsoontay Gabadhii
Bal Qasaarahaa Daya
Waa Qaab Cakiranoo
Qosol Iyo Layaab Badan
Maxaa Qaatay Gabadhii
Ma Qaasaa Waseleliyo
Jin Qamamayaa Helay
Inankii Qabka Lahaa
Maxaa Qarashku Kaga Lumay
Qiiradii Jacaylkana
Qoomama Ka Dabo Timi
Ileen Quusan Maaye
Waxuu Qawlku Yidhi Hadal
Doodiisa Ku Qayaxay
Taan Hablaha Ka Qaatiyo
Hadii Qalanjadaan Rabay
Qusuur Layga Galiyoo
Aan Qasaare Taagnahay
Dib U Qooqi Maaye
Ha Lay Siiyo Qarashkii
Iyo Qalmahaygii
Qoladiina Waxay Tidhi
Kani Waa Mid Qaafila
Qajilaadna Kala Dheer
Warma Adoo Qof Nooliyo
Qaani Kugu Maqnayd Baad
Waliba Qaalmo Geeliyo
Qarashnaga Sugaysaa
Anagaa Qasraane
Quman Keen Magteedi
Naxdin Buu Qac Kala Yidhi
Qomomiyo Laxaw Badan
Qayladhaan Ku Tahambaab
Faker Iyo Qomuunyuu
Qabiilkiisi Ula Tegay
Waxla Yidhi Qiyaastani
Waa Amuur Qaloocde
Ha Loo Uruursho Qaadhaan
Bal Qasaarahaa Daya!.
Qalinkii Iyo Tafatiridii Ahmed Kayse Ismaiil
Hajjimedia1@Live.Com
_______________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
