Madaxwaynaha Puntland Oo Baaq U Diray Beesha Uu Ka Soo Jeeday Suldaan Muuse Faarax Onkod Oo Dablay Hubaysani Ku Dishay Guddaha Magaalada Boosaaso.
Garoowe (OWN)-Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Md Cabdiraxmaan Cismaan Faroole ayaa ka hadlay Suldaan lagu dilay Guddaha Magaalada Boosaaso oo ay qudha kaga jareen dablay hubaysani oo aan la aqoosanin.
Waxaanu madaxwaynuhu sheegey in uu warbaahinta kala kulamay dilka suldaankani islamarkaana uu ka xumaaday , waxaanu madaxwaynuhu tacsi u diray eheladii qaraabadii iyo dhamaan dadwaynaha reer puntland ee uu ka baxay Allaha unaxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod) oo lagu khaarajiyey guddaha Magaalada Boosaaso.
Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu sheegey in dadka falkani lagu khaarajiyey suldaanka gaystay ay ku labisnaayeen dirayska Ciidamada Puntland taasi ay sababtay in aan wali gacanta lagu soo dhigin balse ay ku dabo jiraan raadraacooda.
Dhinaca kale waxaa uu madaxwayne Faroole baaq u diray beeshii uu ka soo jeeday Allaha unaxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod) oo ugu baaqay in aanay qaadin wax talaabo ah aargudasho ah waxaanu madaxwayne Cabdiraxmaan Cismaan Faroole sheegey in uu aaminsan yahay in kooxadani qudha ka jartay suldaanka in ay ka tirsan yihiin dadka ka soo horjeeda degenaanshaha iyo xasiloonida Maamulka Puntland .
www.oodweynews.com hargeisa Office

