Maxaad Kala Socotaa Heesta Ama Ciyaarta Harlem Shake Oo Sida Wayn Ugu Faaftay Caalamka ?
Harlem Shake waa hees uu qaaday Fanaanka mareykanka ah ee Baauer sanadkii 1981-kii, bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa waxay aad heestaan ay ugu faaftay Youtube iyadoo cod ah laakiin muuqaalo kala duwan loo sameeyay waxaana lagu hakiyay 30 ilbiriqsi (30 second). 15-ka ilbiriqsi ee ugu horeeyay waxaa ciyaaraya hal qof oo kaliya halka dadka kale ay howshooda iska sii wadanayaa ka dibna 15-ka danbe oo music is bedelaysa ayay dadka intii kale isla wada boodaayaan oo ay wada ciyaarayaan.
Warbixin kasoo baxday xafiiska Youtube ayaa lagu sheegay in bishan Febraayo lasoo geliyay 44.000 oo video kala gedisan oo Harlem Shake ah isla markaana ay daawatay in ka badan 200 oo Milyan oo qof.
halkan ka daawo heesta Harlem Shake ee lagu waashay:–
