Mucjisadii Sideedaad ee Aduunka oo Lagu Arkay Somaliland
Sida wada og yahay caalamka waxa ka jira todoba mucjiso oo kala ah
- Beeraha laalaada ee ciraaq
- Dhagaxa cid haysaa aanay jirin baytul maqdis
- Dayrka dheer ee chinaha
- Suxuunta wareegta iyo wixii la mida
- Maydka fircoon
- Ahraamta masar
- ………………..
Hadaba waxa lagu arkay badhtamaha magaalada hargaysa mucjisadii sideedaad ee aduunka waxaana laga helay halka diyaarada cawl ee ay markii hore ku taalay khayr yada hargaysa oo galabtii ilaa fiidkii ay ku caweeyaan dhamaan dhalinyarta magaalada hargaysa, madaxda xukumada Somaliland ,waxooga dameero ah,qayb lo’ah,iyo ciyaartoyo cusub oo ku soo biiray habeenkii koobkii afrika oo la yidhaah adhi sidoo kale waxa mucjiso kula noqonaya hudheelada oo keena fuud iyo maraq halkaasna ku soo daadiya sidoo kale waxa aad ugu farxa meeshan dadka dhimirka ah kuwaas oo wefti ahaan ku yimaad
Hadaba miyaanay ahayn mucjisadii ahayn tii sidedaad ee aduunka badhtamaha magalada hargaysa oo ay ku wada caweeyaan lo’,adhi,dameero,masuuliyiinta xukumada Somaliland kuwooda ugu sarsareeya ,dhalinyaro,waxgarad, ganacsato,iyo waliba xildhibaanadii golaha deegaanka ee dhawaan la soo dortay iyagoo dugsanaya xashiishka meesha yaala ee aanu damiirkoogu ku godlan in ay meeshan nadiifiyaan kaba sii darane hudheelada magaalada hargaysa oo ku soo shubaya fuud iyo maraq iyagoo fadhiya se kala damiir roone miyeyna lahayn caqli wax kal garta oo ay kaga jooiyaan
Dhacdadan ayaa hadaba lagu tilmaami kara dhacadadii sideedaad ee aduunka ka jirta indhaha shacabka Somaliland miyayna lahayn waxaan ka codsanaya maayarka cusub ee ee caasimada hargaysa iyo dhamaan golaha deegaanka in wax ka qabtaan hawshan wax ka qabashada u baahan loona kuur galaaa nadiifinta faras maagalana la ciir ciiraya xashiishka mida kale halkuu ku danbeeyay xeer uu soo saaray maayarkii hore ee xoolaha lagaga saarayay suuqyada magaalada hargaysa?
Marka aad dhex mushaaxdo suuqyada magaalada hargaysa ayay qiiro ku qabanaysaa markaas ayaad is waydiinaysaa talwo halkay mareen golihii deegaanka ee aad doorateen markaad gees ka jaleecdo caasimada aynu jaarka nahay !!!!!!! nin waliba wuxuu ku foogan yahay dib u dhiska hantidiisa se ma arkayo waxa xashiish dul tuban ama hareer yaala faras magaalaha hargaysa
Waxaan gun iyo gunaaanad uga dhigaya maqaalkaygan danta guud haloo midoobo hana loo hawl galo nadiifinta caasimada iyo gobolada kale ee Somaliland hana laga bilaabo fars magaalahan.
SUXUFI mubaarik maxamed careef
mubaarikcareef@gmail.com
—————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

