|

Muquurashadii Safiirka Somaliland, Ee Doodii Somaliland Iyo Soomaaliya.

Barnaamijka dood wadaag ee ka baxa telefishanka universal , xaruntiisa London ayaa 30/01/13 anaaro 9:00 fiidnimo, ayaa waxaa  dood xiiso lehi ku dhixmaratay laba kooxood oo ka kala socday bulshada Somaliland iyo somalia.  Waxay labadaa kooxood tiradoodu dhamayd  afar qof oo ka soo jeeday Somaliland iyo toban qof oo ka soo jeeday Somalia.  Xubnaha Somaliland ka soo jeeday ee dooddaasi ka qayb qaatay waxay kala ahaaayeen : Mohamed Bashe Haji  Hassan, Abdirahman Mohamed Cawlo (Baghdadi), Ahmed Ibrahim Kadleye iyo Mohamed Abdi Adan, halka Somaliya uu goobtaa u fadhiyey Ibrahim Xabeeb Nuur oo ka mida ahaa baarlamaankii Kumeel  gaadhka ahaa iyo aqoonyahan ka soo jeeda maamulka puntlan  C/rashiid Maxamed Daahir.

Waxa aad xusid u mudan aqoonyahanka kor ku xusan oo ah taariikh ruug, ku soo dhex barbaaray qadiyada Somaliland iyo halgankii loo soo maray. Waxay si aqooni ku dheehantahay u soo bandhigeen, ujeedadii laga lahaa  halgankii xornimo doonka iyo sababihii curiyay, isku darkii labadii dal ee Somaliland iyo Somalia ee lixdankii xornimadooda ka qaatay, mustacmaradihii ingiriiska iyo talyaaniga. Waxa ay si cad u muujiyeen in hadafka midawgu uu ahaa, in la mideeyo qoomiyada somaalida oo u kala qaybsanayd shan qaybood oo kala  ahaa Somaliland, Somalia, Djibouti,  Ethiopia (ogaadeen iyo hawd and reserve area)  iyo NFD.

Aqoonyahanka qoraaga ah ee Mohamed Bashe Haji Hassan, wuxuu madashaa ku soo bandhigay dood cilmiyaysan, oo ku salaysnayd dhacdooyinka ku duugan diiwaanka taariikhda iyo sooyaalka soo jireenka ahaa,  ee maraxaladihii kal duwanaa ee ay soo martay siyaasada qoomiyada soomaliyeed, taas oo aad u soo jiitay dhamaan daawada-yaashii barnaamijkaasi .

Waxa kaloo madashaa barnaamijku ka socday dood ka dhiibtay aqoonyahan Abdirahman Awlo (Bagdadi) isagoo ku dheeraaday faraqa u dhexeeya qaranka iyo qoomiyada, isla markaana si cad u muujiyay qaab dhismeedka qoomiyada somalida ee shanta dal ee geeska afrika ku kala nool. Waxa  Abdirahman Bagdadi  aad sharaxaad uga bixiyay, qaabka uu u dhici karo haddii wada –hadal dhexmaro Somaliland iyo Somalia, kaas oo noqon karta mid ku salaysnaata nabadgalyada  mandaqada, horumarka dhaqaalaha , iskaashiga la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada.

Aqoonyahan Ahmed Ibrahim Kadleye oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd  xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ee shaqaalaha ka ah xukuumada Xamar ayaa madasha ka cadeeyay in ay xunahaasi yihiin, dad Xamar u shaqatagay isla markaan ay tahay waxa caalamkaba dhamaantiis ka dhacda, taa soo ah  in qofku meeshuu doono u shaqo tagi karo, sidaa darteed aanay u muuqan Karin wax laga doodi karo.

Aqoonyahan Mohamed Abdi Adan oo ahaa aqoonyahanka ugu da’da yaraa ka qayb galayaasha dood daasi ayaa si mug leh u cadeeyay  in maanta arrimaha Somaliland ay ka taliyaan da’dii halganka ku dhalatay, taas oo muujinaysa wada tashiga iyo horumarka ay ku hano qaaday Jamhuuriyada Somaliland.

Anigoon  halkan ku soo koobi karayn hadaladii afartaa aqoon yahan ay doodaa ka dhiibteen, waxa aad ii farxad galisay waayo aragnimada iyo aqoonta taariikheed ee ay ku muquuniyeen, dhigoodii ka soo horjeeday iyo sida degdega ahayd ee ay markiiba, waxa uga badaleen kooxdii ka soo horjeeday. Kooxdaasoo  markii hore ku tiraabaayay isla markaana ku fadallo cadaa, midnimada ma dhalayska ah ee somaliweyn.

Waxaan haba yaraatee goobtaasi ka muuqan, safiirka Somaliland u fadhiya magaalada London, kaa soo aad muudo inuu ka muquurto, meelaha lagu hayo doodaha.

 

Ismael Maxamoud Liban.

( Farshaxan )

Weriye Madaxbannaan.

 

COMMENTS