|

Nabadgelyo Ma Jirayso Hadii Caasimada Lagu Haraado…” Xildhibaan Axmed-Gacan

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ku guul-daraysatay gudashada masuuliyadii ka saarnayd adeegyada aasaasiga u ah nolosha aadama, gaar ahaan dhinaca biyaha.

Xildhibaan Axmed oo Xalay Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska “Yool”, ayaa waxa uu sheegay in Deegaanada ay saameynta ku yeelatay dhibaatada biyo la’aaneed ay ka mid tahay Deegaanka Bariga Caasimada Hargeysa [New Hargeysa], halkaasoo Mudanuhu tibaaxay inay soo food-saartay biyo la’aan ba’an oo sababtay in Foostadii kor u dhaafto 15000 oo Shillinka Somaliland ah.

Mudane Axmed Gacan waxa uu ka digay saamaynta ay xaaladaa qalafsani ku yeelan karto nolosha muwaadiniinta iyo hannaanka Nabadgelyo ee dalka, waxana uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso ugu baaqay inay xil iska saaraan wax ka qabashada arrintaas, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa ereyadiisii ka mid ahaa; “Dhibaato biyo la’aaneed ayaa haysata bulshada ku dhaqan Bariga Caasimada Hargeysa, Foostadii waxay maraysaa 15000 SL Shilling, taasoo si adag u taabatay bulshada,. Xaafada Baar-Waraabe oo aan degenahay 25 Mitir ayuu u jiraa Beebka weyn ee biyaha laga kaantaroolaa, hadana wax biyo ah ma helno”.

Mar uu Xildhibaanku ka jawaabayey inay tabashadaa u gudbiyeen Wakaalada biyaha iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso arrintani, waxa uu yidhi; “Muddoba dhawr jeer ayaanu tabashadaa gaadhsiinay Wakaalada Biyaha, Maareeye-ku-xigeenka Wakaalada ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii aanu la xidhiidhnay, hase-ahaatee wax arrintaa laga qabtay ma jirto oo goror biyo ah ma hayno”.

“Ninka Biyaha fura ee Wakaalada u qaabilsan Bariga Hargeysa biyaha wuu iibsadaa oo ganacsi shakhsiyadeed ayuu ka samaystay”. Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, waxana uu intaas raaciyey; “Ninkaas Axmed Dheere ayaa la yidhaahdaa oo Saddex Maareeye ayuu la soo shaqeeyey, waxana uu caado ka dhigtay inuu biyaha si gaar ah uga iibsado, una duwo meelo uu dhaqaale gaar ahaaneed ka helo”.

Ugu dambeyn Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa kusoo gunnaanaday; “Dalka Xukuumad ayaa ka jirta, hay’ado kale oo arrintan xilka saaran yahay ayaa Qaran u dhisan, markaa waxan ugu baaqayaa inay wax ka qabtaan arrintaas.. Nabadgelyadu ma jirayso hadii Caasimada lagu haraado”.

 

Xigasho: Qarana News

download (1)

COMMENTS