Orodyahanka Koofur Afrika Oscar Pistorius Oo Lagu Sii Daayey Damiin Lacageed
Orodyahanka Koofur Afrika Oscar Pistorius ayaa lagu sii daayey damiin lacageed, iyadoo uu u diyaar garoobayo inuu wajaho eedaha ah inuu dilay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen. Xukunka sii deynta ciyaartoyga ee Jimcahan maanta oo qaatay muddo saacado ah, ayaa Garsoore Sare Desmond Nair waxa uu xukumay in Postorius la sii daayo.
Waxaa damiin ahaan looga dhigay lacag gaareysa $112,000 oo doolar (boqol, toban iyo laba kun oo doolar) Garoosaha oo in ka badan laba saacadood aqrinayey go’aankiisa, ayaa markii uu carabka ku dhuftay in Pistorius damiin lagu sii deynayo waxaa farxad la qeyliyey qoyskiisa oo maxkamadda joogay. Warkii oo dhan.