|

Pakistan 13 Askari Ayaa Dhintay Dagaal Ay Ku Soo Qaadeen Bar Kaantarool Kooxo Hubaysan Oo Ka Tirsan Dagaalyahanada Daalibaan

Pakistan (OWN)-wararka ka imanaya wadanka Pakistan ayaa sheegeyaa in ay kooxo lala xidhiidhinayo dagaalyanada Daalibaan ay weerar ku soo qaadeen bar kaantarool  oo ciidamada dalka Pakistan ku laheen  gobol dhinaca waqooyi ee Magaalada Maalkiwarmaad  .

Waxaanay wararku sheegeyaan in ay ku dhinteen iska hormaadkaa dagaal ee ka dhaxeeya Ciidamada Dalka Pakistan iyo Dagaalyanada Daaliban 13 askari oo ka tirsan  ciidamada dalka Pakistan  iyo 11 ka tirsan bulshada rayid ah  ,bartani kantrool ayaa ku taala magaalada Maalkiwarmaad oo ku taala dhinaca waqooyi ee dalka Pakistan ayaa ahayd in ay  mid ku taala dhinaca hore ee dhisme ay wasaarada biyaha ee dalkaasi ku lahayd gobolkaasi .

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in ay goobtaasi lagu dilay dhowr iyo taban ka tirsan kooxaha dagaalyahanada Daalibaan ee weerarka ku soo qaaday  ciidamda bagistaan.

www.oodweynews.com Hargeisa office

COMMENTS