SAWIR KARTOONKA TODOBAADKAN EE OODWEYNENEWS! Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Mr.Saylici
Waxa Al-Qasiir-Basiir uu soo baxay awr dabar la’aan dhacay,waa Mudane Xirsi Gaabe oo imika marayaa heer uu siddii Carsaanyadda dhan walba u orodo, oo aanu ku koob-nayn oo kaliya ku Faraxsa-naanta caqbad ku noqdoshadda saylici, laakiin waxa sii kordhaysa inuu faraha la galay hawlo badan oo sharcigu awood u siiyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane saylici.
Madaxweyne Ku Xigeenka somaliland Mr.Saylici ayaa cabasho ka muujiyey Aqoon Daradda Xirsi ka haysata Nidaamka Dawladadeed iyo aragtiyaha ku saabsan inuu dhex galinayo arimo qabyaaladeed oo Qaawan, khilaafkan oo ah mid sii xumaanaayey mudooyinkan danbe, illaa iyo markii siilanyo uu Waydiistay Golaha Baarlamaanka taariikhdu markay ahayd 30-kii january in loo Ogolaado wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka Somaliland, si loo sameeyo madaxweyne ku xigeen labaad oo Dalku yeesho.
Fikradan oo uu lahaa mudane Al-Qasiir-Basiir, isla markaana si Cad loogu Wax yeelaynaayo awoodda Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, ayaa keentay in Mr.Saylici aad uga cadhoodo, fikrada sheegaysa in Madaxweyane ku xigeen labaad Dalku yeesho, isla markaana la doonayo in laga dhigo Wasiirka Dib udejinta Saleebaan Xaglo Toosiye oo ka soo Jeeda Gobolada Bari ee Somaliland, iscasilaadda saylici maaha mid abuuri doonta goldaloolo awoodeed. taasi oo xirsi siin doonta gacan banaani uu u madax banaanaado awood siinta Beesha uu kasoo jeedo, Mansabad awooda leh oo uu ku amar ku taagleeyo maamulka Xukumadda. Balse aan eegno ninkani hore buu u kharibay komishankii qaranka ee hore, oo waatii debedda laga dhigay, ee la xidhay, mudo badana uu ku jiray jeelka, maaha wiil wax isku falaaya, mana jiraan wax ka xaaraan timaysani, odayga meesha ku hayaana isga baa u baahan wax wadda, waana inta uu ka faa’iidaystay Al-qasiir-basiir.
Waxa jirta dhawr wasiir oo uu ka mid ayahy, baa waxay la magac baxdeen kooxddii Maafiyadda Jarmalka ahayd ee la odhan jiray baadar-minhoof, kuwaas oo ah kalla ah Al-qasiir-basiir ( xirsi gaab), Duur ( Gudaha), Duulista hawadda iyo qabyaaladda, eexaadda ( Ina Caabdi Xaashi), Maxamed Beenaalle ( arimaha debedda), iyo kii iimaamka ahaan jiray, oo imika la yidhaaho jano ka bood ( Ka maaliyadda), From masaajid to siyaasi subxaana-laah), illaahaw khaatumadda ha naga xumayn.
Cumar shide,
Oodweynenews.com


