Shacabka Reer Jabouti Oo Saaka U Dareeray Codaynta Doorashada Baarlamaanka
Jabouti (OWN)-Shacbioweynaha jamuuriyada Jabouti ayaa maanta oo jimce ah waxay u dareereen codaynta doorashada baarlamaanka ee dalkaasi taasi oo la soo gaba-gabeeyey maalintii shalay ololihii loogu jiray doorashada .
Doorashadan ayaa waxa ka qayb-galaya xisbiyada kala ah, Isbahaysiga aqlabiyada Madaxtooyada Jabuuti (UNP) oo uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, Isbahaysiga midowga Mucaaradka (USN) oo hogaamiyo siyaasiga mucaaridk
a ah ee dhowaan dibedda ka soo laabtay Daahir Axmed Faarax (Daaf) iyo xisbiga CDU oo dhawaan la aasaasay isla-markaana uu hogaamiye ka yahay siyaasiga mucaaridka ah ee Cumar Cilmi Kheyrre.
Kuraasta baarlamaanka dalka jabuuti ee loo tartamayo ayaa dhan 65 kursi, waxaana 35 ka mid ah laga soo dooranayaa Caasimada Jabuuti, halka 30ka kalena gobollada kale ee Cali Sabiix, Carta, Dikhil iyo Obokh laga soo dooran doono.
Doorashadan, ayaa waxa ka qayb-galaya oo dusha kala soconaya goob-joogayaal ka kala socda IGAD, ururka dalalka Islaamka, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo goob-joogayaal maxali ah, kuwaasi oo la socon doona sida doorashadu u dhacdo.
Oodweynenews.com,Jabouti