|

UDUB WAY TAGAYSAAYE, HA TAHRIIBINA WALAL!

Waxaan Salaamayaa Akhristayaasha Maqaalka, waxaanan u Mahadnaqayaa Shabakan Caalamiga ah ee Inoo Saamaxday Inaynu Aragtiyaha Isku Soo Gudbino Intaa Kadib;

UDUB WAY TAGAYSAAYE, HA TAHRIIBINA WALAL! Waa Erayo Ka Mida Kuwii ay ku Ololaysan Jireen Nimanka Maanta Xilka Hayaa Taas oo Muujinaysa in Hadii Dawladii uu Md. Dahir Riyale Kahin Maamuli Jiray iyo Xisbigii uu Gudoomiyaha ka Ahaa Ee UDUB ay Mar Qudha Xukunka Ka Dagaan Isla Markaana ay Iyagu Xukunka Qabtan ay Wax Badan Ka Qaban Doonaan Tahriibka Tirada Beelay ee Dhalinyarta u Badan, Dhalinyartaas oo Badankoodu Yihiin Arday Soo Dhamaysatay Jaamacado laakiin Waayay Meel Ay u Shaqo Tagaan Dabadeedna Tahriibta iyo Silica Miciinsaday, Balse Tahriibku Maanta Maalin uu Ka Tiro Badanyahay Waddanka May Soo Marin, Ardayda Jaamacadaha Ka Soo Baxdaana Maanta Maalin ay Ka Badantahay ma Jirto. Balse Ardaydaasi 30% (Boqolkiiba Soddon) Ayuunbaa Shaqo Hesha ( Mid Dawladeed iyo Mid Kaleba) , (The Other 70% Is Jobless)  Xaga Boqolkiiba Todobaatanka Kale Yihiin Dhalinyaro Markay Camal Waayeen Balwadaha Dishooday Ama Kuwo Tahriibta Doorbiday,

Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo Ah Halgamaa u Dooda Dhalintu wuxuu Yidhi:

“Dal Waxaynu joognaa Dhalintii la Daayacay Da’yartii La Duudsiyey Oo Duqey Gabowdiyo Hawl ka Daal Shaqeyan Imisaa Dadaalloo Dalka Hooyo Joogoo Dugsiyada Dhamaystoo Dalandoolka Waayaha Darbiyada u Hoydoo Shaqo Dawladeed iyo Markay Duunyo Waayeen Balwadaha Dishoodoo Dagashaday Mirqaankoo Dalkan iyo Dadkiisiyo Nacay Dawladiisaba.

 

Wali may dhicin In Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Hargeisa Sidan oo Kale Looga Tahriibo Taas oo Aad ka Dareemayso Meelihi Ama Goobihii Dhalintu Iskugu Iman Jirtay oo Saddexda Ama Afarta Qof Ee Joogaana Ay Qorshaynayan (Planning) Sidii Ay Wadanka Uga Bixi Lahaayen iyo Halkii Ay mari Lahaayen iyo Sahaydii Ay Qaadan Lahayen, Waxa Dhici Jirtay Bariyihi Hore Tahriibayaashu Inay u bataan Gobolada Kale Ee Dalka, Balse Maanta Markaad Qiimayso Dhalinta Jaamacadaha ka soo baxda iyo Inta Tahriibta Waxba Ma kala Badna oo Maalin Walba Waxaad Maqlaysaa Hebel iyo Hebel baa Tahriibay Oo Yemen Sii Socda.

 

Madaxweynaha waxaan Jeclaa Intuu Waxbaan qabtay iyo Waxanaan Qaban Doonaa Leeyahay Inuu Dhalinyartan Jiheeyo oo Meel Ay u Shaqo Tagaan u Sameeyo, Hadii Kale Dalku Halka Dhalintuu ka Baabi’I Doonaa, Waxaan Mar Labaad iyo Mar Saddexaadba u Soo Jeedinayaa Cid Kastoo ay Khusayso Inay Dhalinyarta hoos u Soo Eegaan oo Ay ka Fikiraan Halkii Waxaasoo Arday ee Jaamacadaha Soo Dhamaysanaysaa ku Danbayn Lahaayeen.

 

Wabillaahi Towfiiq

W/Q Zakaria Ali Gurey Hargeisa-Somaliland

_____________________________________________________

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS