|

Ujeedada Shirka Soomaalida Ee Ka Dhici Doona London iyo Qodobada Laga Wada Hadli Doono (Conference on Somalia 13 May 2013)

Waa qoraal ama nuqul ku saabsan kulanka la filayo in London lagu qabto bisha 7da May 2013 oo loo  qabanaayo wadahadala Federaalka bilowga ah ee Soomaaliya sida ku cad qoraalka. Wuxuu noqon-doonaa Kulan caalamiya oo dhinacyo badan leh .Su’aasha meesha ku-jirtaa waa dawlada   Somaliland miyay ka qayb qaadanaysaa? Haddii se ay ka qayb galeyso heer ama  hab maamuus u qalma ma loo qaabili doonaa? Ka qayb galkuse  ma noqon doonaa mid Somaliland dani ugu jirto. Su’aalahan iyo qaar kalo badan ayaa loo baahan yahay in ay is weydiiyaan Cida ay hawshani u taalo oo ay ugu horeyso Xukuumada S/land iyo dhamaan aqoonyahanka iyo waxgaradka S/land.

 

 Khudbadii uu Madaxweynaha Somaliya  Mudane Hassan Sh Mohamud oo hada London ku sugan uu maata oo tariihkdu tahay 2/2/13 uu London uga jeediyey Jaaliyada Somaliyeed ee UK degan wuxuu ku celi-celiyey in shirka May ay cid kasta ay ka  faa’idi doonto dhinac-kasta, Taas oo loo macneystey in uu Madaxweynu cid kasta ula jeedey S/land iyo Puntland.Nuxurka iyo Macnaha shirku waxaa laf-dhabar u noqoneysa ayuu madaxweynuhu yidhi sidii ay Soomaaliya oo Baalasheeda hareeraha wadataa ay lugaheeda isugu taagi lahayd oo amniga u-sugu laheyd ugana wada shaqeyn laheyd.

 

 

Hadaba halkan hoose ka akhriso qodobada lagaga  wada hadli doono shirka london :-

 

 HALKAN KA AKHRISO Pdf

 

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

A/Rahman Fidhinle

Intensive PA

London
COMMENTS