Waa Guul , Mar Haddii Madaxweynahu Ciidamadeenii Darajadii Ku Taxay!
Dawlada Somaliland waa ay dadalaysaa inkastoo dadka qaar aanay marayn wax kastoo wanaaga oo la sameeyo waxaa fiican inay arkaan waxqabadka qarankooda oo ay balaayo sheegista iska dayaan , haddaba Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa darajooyin kala duwan ku taxay taliyeyaasha ciidamada, ku xigeenada abaanduulayaasha, Bileyska, Asluubta, Qaranka iyo ilaalada xeebaha.
Madaxweynaha ayaa ku gudoonsiiyey 12 sarkaal darajooyinka munaasibad maanta loo qabtay sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka qaranka.
Munaasibadan ayaa waxa Saraakiisha la gudoonsiiyey darajada ciidamada faahfaahin ka bixiyey wasiirka gaashaandhiga Axmed X. Cali (Cadami), isaga oo sheegay in darajada ciidamadu ay la soo mareen jaran jaro kala duwan, isla markaana aad uga fiirsadeen sidii ay ugu bixin lahaayeen habka ugu haboon ee ciidanka loogu taxayo darajada.
Saraakiisha lagu taxay darajada ciidamada ayaa waxa ka mid ah.
Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Ismaaciil Maxamuud Shaqalle oo la siiyey darajada Sareeye Gaas
Taliyaha guud ee ciidanka Bileyska C/laahi Fadal Iimaan oo la siiyey darajada Sareeye Guuto
Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Faarax Xiirane oo la siiyey darajada Sareeye Guuto
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed Aw Cismaan oo la siiyey darajada Sareeye guuto
Abaanduulaha ciidanka qaranka C/laahi Maxmed oo la siiyey darajada Sareeye guuto
Abaanduulaha labaad ee ciidanka qaranka Axmed Cawaale Yuusuf oo la siiyey darajada Sareeye guuto
Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyey saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland darajooyin kuwan oo kale ah.
Muse Axmed
__________________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
