|

Waa Maxay Xikmadda Ku Jirta Tirada Saddex ? Faallo

Hargeysa (OWN)-Hadda waxaynu ku eegi doonaa qormadeenan taxana ah xikmada ku jirta Tirrada Sadex (3) waxay ku tusinaysaa  tiradani inay tahay mid ay ku gadaaman yihiin  xikmad Rabaaniya,  tusaale ahaan haddaanu u soo qaadano xikmadaha ku jira Dhinaca tirada SADDEX (3) waxaynu odhan karnaa waa sidan:-

 Biyaha iyo Xidhiidhka Nolosha Aadamaha

  1. 1.   Ma ogtahay in Barako ay ku jirto kuwaas oo lagama’maar-maan u ah Aassaasska Nolosha Aadamaha (3) Shay ee Madow, “Hawada, Biyaha,Timirta”.

 

  1. 2.    Ma ogtahay in lagama’maar-maan u tahay Aassaasska Nolosha Aadamaha (3) Shay, “Hawada (Air), Biyaha(Water),Cuntada(Food)”

 

  1. 3.   Ma ogtahay in  qofku hawo la’aan noolaan karo mudo (3) Daqiiqadood.

 

  1. 4.    Ma ogtahay in  qofku Biyo la’aan noolaan karo mudo (3) Maalmood ah.

 

  1. 5.    Ma ogtahay in  qofku Cunto la’aan noolaan karo mudo (3) Todobaad ah.

 

  1. 6.    Ma ogtahay in Illmaha marka uu dhasho lagu waajibiyey  (3) Shay “ Yixda oo laga xiiro, in loo wan-qalo, iyo Magac loo bixiyo”.

 

  1. 7.   Ma ogtahay in Furniinka la baneeyey (3) Jeer.

 

  1. 8.    Ma ogtahay in Mar-khaatigu Raga uu yahay (3) qof.

 

  1. 9.    Ma ogtahay in Biyaha Weysaysiga jidhku uu yahay saddex (3) Jeer,

 

  1. 10.  Ma ogtahay in Ka-may-dhashada jinaabadu ay tahay saddex (3) Jeer,

 

  1. 11.  Ma ogtahay in Maydhida Maydku waajib tahay (3) Jeer,

 

  1. 12.  Ma ogtahay in (3) ka mid ah jidhka Aadamaha uu kooban biyo, “Maqaarka 60% waa biyo,”Maskaxda 75% waa biyo,” Dhiiga 83% waa biyo”.

 

  1. 13.  Ma  ogtahay in Khashin-saarka biyaha jidhka aadamuhu uu yahay (3) Nooc, “Kaadi, Dhidid, Neefsashada”.

 

14. Ma  ogtahay in Maalintii Khashin-saarka biyaha jidhka aadamuhu uu yahay (3) Quarts.

 

15. Ma  ogtahay in Maalintii biyaha jidhka aadamuhu uu u baahan yahay Tahay (3) Quarts

 

  1. 16.  Ma ogtahay in Biyaha Nadiifta ah loo isticmaalo (3) Shay, Cabitaan,Karinta   cuntada iyo maydhidooda, Maydhashada Jidhka.

 

 

  1. 17.  Ma ogtahay in Biyaha aan Nadiifta-ahayni ay ku-dhashaan (3) Nooc, Protozoa, Bacteria, Viruse.

 

  1. 18.  Ma ogtahay in haddii la’cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Protozoa” ay keeni karto  (3)da Cudur ee kala ah, Amoeba,Giardia, iyo Crypto(sporidium).

 

  1. 19.  Ma ogtahay in haddii la cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Bacteria” ay keeni karto  (3) Cudur, “Shuban-dhiig (Shuban). Daacuun (Cholera) iyo Typhoid”.

 

  1. 20.  Ma ogtahay in haddii la cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Viruses” ay keeni karto  (3) Cudur, Beer-xanuun “Hepatitis”, Yellow-fever, Cudurka Dabeysha”Polio(myelitis).

 

  1. 21.  Ma ogtahay in Biyaha lagu nadiifin karo (3) hab,”Daaweyn, Kar-karinta ”Bioling” iyo Isticmaalida Qalabka  “Filter”.

 

  1. 22.   Ma ogtahay in dhagaha Aadamuhu leeyihiin (3) Semicircular Canals

 

23.Ma ogtahay in dhagaha Aadamaha Dhexdoodu leeyihiin (3) Ossicles

 

  1. 24.  Ma ogtahay in Atomku ka kooban yahay (3) Qeybood “ Proton, Neutron, and Electron”.

 

 

Mr. Maxamed Farax Axmed

Mrgpublichealth@hotmail.com

Tellephone Number: 4426743

Oodweynenews.com,Hargeysa Officejj

COMMENTS