War Deg-deg Ah Fanaaniin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Xabsiga Loo Taxaabay Ka Dib Markii Ay Ka Gadoodeen Xafiiskoodii Oo La Xidhay
Hargeysa (OWN)- Qaarkqa tirsan fanaaniinta ciidanka qaranka ayaa goor dhweyd xabsiga loo taxaabay ka dib markii la xidhay xafiiskii ay ku lahaayeen wasaaradda ciyaaraha.
Fanaaniintan oo banaanbax ka dhigay xarunta wasaaradda ciyaaraha ka dib markii uu agaasimuha wasaaradda ciyaaraha oo sheegay in uu madaxweynuhu ku amray in la xidho xafiiska fanaaniinta ee xarunta wasaarada , taasi oo ka dambaysay markii la hoosgeeyey wasaaradda warfaafinta ,.
Fanaaniinta la xidhay ayaa ay ka mid yihiin
1 Ubax Daahir Ibraahim (Ubax fahmo)
2 Sahra Axmed Cabdilaahi (Ilays)
3 Caabi Mire Dacar
4 Cabdirisaaq Axmed Geedi (Aakhiro)
5 Caasha Cige
6 Sahra Cali Xasan
7 Asma Cabdilaahi Cabdi
8 Cismaan Almis
Waxayna ku xidhanyihiin hadda saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Oodweynenews.com, Hargeysa Office