|

Xaflad Lagu Daahfuray Buuga Cusub ee “Qolka Hurdada Qisooyin iyo Cilmiyo ku Duugan”

Borama(OWN)-  Xaflad si wayn loosoo agaasimay oo lagu qabtay hoolka Civil Centre ee jaamacada Camuud ee   magaalada Boorama ayaa waxaa lagu soo bandhigay buug cusub oo uu soo bandhigay qoraagii buuga Sh. Maxamuud Sh. C/laahi Cilmi.

DSC00113

Xafladan oo isku dubaridka iyo daadihinteedaba ay lahaayeen Naadiga Akhriska ee Maskaxmaal (Maskaxmaal Readers Club) ayaa waxaa xadhiga lagaga jaray Buugan oo la magac baxay: “Qolka Hurdada Qisooyin iyo Cilmiyo ku Duugan” waxaana madashii buuga lagu soo bandhigayey soo buux dhaafiyey dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Borama iyadoo si gaar ah looga milicsanayey madasha dhalinyarada cadadka badan ee sida wayn u xiisaynaysay buugan cusub.

DSC00014

Qoraaga buuga oo sharax ballaadhan ka bixiyey buugan iyo sababihii ku kallifay qoraalkiisa ayaa tilmaamay in buugani uu noqon doono qaamuus ay isula noqdaan lamaaneyaasha doonaya in ay noloshooda raaxo ku noolaadaan, iyadoo uu intaa ku daray in buugani uu ka hadlayo mawduucyo xasaasi ah oo ay adag tahay da’yartu inay waydiiyaan culimaa’u diinka soomaaliyeed sidaa awgeed ayaa buugani waxa lagu tilmaami karayaa mid ay baahi wayn u qabaan dhamaan lamaaneyaasha iyo dhalinyarada u guuxaysa inay guursadaan.

DSC00099

Mar la waydiiyey qoraaga sababta uu buuga u qoray ayuu shaaca ka qaaday in culimada iyo qoraayada wax ku qora afka soomaaligu aaney hore wax uga qorin mawduucan marka laga reebo buuga raaxada guurka iyadoo ay jiraan in caalamka carabta iyo reer galbeedkuba ay ka qoreen buugaag aad u fara badan.

Intii xafladu ay socotay ayaa waxaa kasoo qaybgaleyaasha ka muuqanayey farxad  iyo raynrayn iyadoo qosolka iyo sawaxanku uu ahaa mid laga maqlayey goobta, waxaan iyana meesha ka maqnayn aragtiyo ay ka dhiibteen kasoo qayb galeyaashii xafladu iyadoo halkaa qoraaga lagu waydiiyey su’aalo xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha uu buugu lafa gurayo.

DSC00098

Qoraaga buuga ayaa si gaar ah uga afeeftay in mawduucyada iyo casharada ku duugan aan marnaba loo adeegsan karayn sifo xaaraan ah, waxaanu si gaar hoosta uga xarriiqay in wiilkasta iyo gabadhkastaa oo doonaya guurka ay xaq u leeyihiin inay helaan buugan.

Ma aha markii ugu horreysay ee qoraagu uu wax ka qoro arrimaha qoyska, waxaa si wayn loogu xasuustaa buugiisii “Badhaadhaha Guurka iyo Aragtida Islaamka ee Habdhaqanka Lamaanaha” kaas oo si wayn ugu faafay deegaanada soomaalida.

DSC00069

Gabagabadii xaflada ayaa waxa uu qoraagu sheegay in buugan uu gaadhsiin doono deegaano kala duwan iyadoo ilaa hada laga heli karayo maktabadaha Hargaysa iyo Boorama isaga oo sheegay in ay lasoo xidhiidhi karaan cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan faafinta buugan meel kasta oo ay aduunka ka joogaan.

DSC00044 (1)

DSC00032

DSC00022

Axmed Shaaakir Cawil

Shaakironline@hotmail.com

Qoraaga Buuga: Sh. Maxamuud Sh. C/laahi Cilmi

Email: Maxamuudnaxwe@hotmail.com

 

COMMENTS