|

Xasan Cumar Hoori Cadho ka kacday Qiimayntii iska dhexwaa ayuu Qalinka u qaatay?, Qalinkii Sulieman Ismail Bolaleh

Waligay intaan noolaa, aragti qof warbaahinta ku soo qoray qalinka uma
qaadan, maantana waxa igu kalifay wuxuu maanku diiday oo aan ka dhex
arkay sadarada (laymanka) qoraal uu saxaafada shalay ku qoray Xasan
Cumar Hoori oo ah aqoon yahan iyo masuul anigu aan ixtiraam farobadan
u hayo.

Barnaamujka Qiimee Qofkaaga ee sida dadwaynuhu ka dharagsan yahay
dalka ka socday mudada sideeda bilood ah, ayuu ku durayay Xasan Cumar
Hoori maqaalkiisa , kaasi oo uu ku sheegay Somaliland Qaran Qof
Qiimeeyay! oo uu waliba mudo bil ah Rashiid Sulub ku qiimeeyay.

Marka 2 loo geeyo 2 sidaan u hubo in ay 4 tahay ayaan u hubaa qoraalka
Xasan Cumar Hoori in uu yahay mid ka dhashay cadhadii uu ka cadhooday
markuu iska dhex waayay liiska 100 ruux ee barnaamujka Qiimee Qofkaagu
u aqoonsaday in ay yihiin Haldoorka Somaliland.
been bay noqon lahayd garashadayda i tidhi faalada Xasan Cumar Hoori
waa Cadho ka dhalatay iska dhex waaga 100 ruux haddii uu Xasan
faaladiisan qori lahaa ka hor intii aan natiijada abaalmarinta
barnaamijka qiimee qofkaagu soo bixin.

Sidaan hubo horta mid iguma diidi karo Xasan dhamaan Xayaysiisyada ka
socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka in dhamaantood laga rabo
in dhaqaale lagu helo (profit making) balse Barnaamujka Qiimee
Qofkaaga mudo sideed bilood ah ayuu hadh iyo habeen ka socday dhamaan
qaybaha kala duwan ee warbaahinta idaacadaha, muqaal, jaraa’idka iyo
mareegaha internetka, waxa intaasi sii dheerayd kolba halka uu marayo
si joogto ah ayay Rashiid iyo kooxdii hawsha la waday inoogu
sheegayaan xataa markii shuruudaha iyo qaabka qiimayntu u soo bixi
doonto ay samaynayeen, cid kasta oo talo iyo tusaale ku biirinaysa
waxay inoo sheegayeen in ay u baahan yihiin soona dhawaynayaan.

Xasan Cumar Hoori wuxuu is barbar dhigayaa Barnaamujka Qiimee Qofkaaga
iyo Hay’adda Noble loo yaqaan & Abaalmarinta Boqor Faysal, Nabadda
Africa (APA) ee hay’dda ACCORD, The World Peace Prize Award, Maraykan
iyo Oscar ama (Academy Awards, hadduu kolba dhagax rogayo si uu wax u
saxo muxuu Xasan Cumar Hoori talooyinkan uu hadda hayo ugu gudbin
waayay hawl-wadeenadii Barnaamuka Qiimee Qofkaaga soo waday hawshiisa
mudada sideeda bilood ah, Waxan imiki Xasan Cumar Hoori hurdada ka soo
kiciyay waa maxay? Sow ma ah cadho ka kacday Iska dhex waa Liiska
boqolkii qof.

Arinta kale ee uu hilmaansan yahay Xasan Cumar Hoori ayaa ah, dunida
oo dhan Abaal marinada heer dal heer qaaradeed, heer caalami iyo xataa
heerar kale oo badan sid heer jaamacadeed heer dugsi heer degmo iwm
qaabab kala duwan ayaa loo isticmaalaa qiimayntooda, tusaale ahaan
sida kuwa uu ka sheekeeyay Xasan Cumar Hoori waxa la sameeyaa gudi
(jury) takhasus u leh mawduuca abaalmarinta lana bidayo in ay dhex u
noqon karaan dadka badan ee la kala xulayo. Dhinaca kale waxa jira
qiimayn lagu saleeyo kalsoonida dadwaynaha oo cod loo waydiiyo kadibna
la waafajiyo shuruudo codbixinta loo loo tirinayo, markaa qiimaynta
barnaamujka Qiimee Qofkaagu waxay ahayd nooca kalsoonida dadwaynaha la
soo ururinayo ee horta mid ruux kali ahi sida aad adigu ku ribaynayso
uu soo xushay ma aha.

Sidoo kale 100 ruux ee Abaalmarimaha helay mid musharax u ahaa
barnaamujku majiraan dhamaantood waxay ku ogaadeen in loo codeeyay  oo
ay ka mid noqdeen 100 kii qof 2 wiig ka hor munaasibada xaflada lagu
gudoonsiinayo xataa waxa ku jiray qaar aan filanaynin in cidiba u
codayso sida aniga oo kale, laakiin waxan codayntu dadwaynuhu i
xusuusisay in dadkayga wax wanaagsan oon u qabtay ay ii ogyihiin oon u
tirsanahay.

Ugu dambayntii waxa uu faaladiisii uu qoray Xasan Cumar Hoori markuu
iska dhex waayay liiska boqolka qof waxa uu ku tawaawacay Beesha dhexe
ayaa badsatay biladihii, kolayba anigu ma tirinin balse waxan xasuusin
lahaa Xasan Cumar Hoori Beeshaada cidhifka Bari sanadka dambeba waynu
siin doonaa horta keen mise waxad rabtaa in adiga laguugu wada dhiibo
macaa kuwa maqan ee badhan Garoowe joogaan badhna muqdisho joogaan.

Gabogabadii, muslinoow rug sheeg muslinoowna uga qaado ayaa aynu isku
afgaranaa, maanta haddii aniga la igu yidhaa muxuu Xasan Cumar Hoori
ku soo kordhiyay dalka beentay maaha hadaan idhaahdo barnaamuj Xaawa
iyo Aadan la yidhaa oo 2 sanadood maalinta khamiista ku soo bixi jiray
wargayska  Jamhuuriya, laakiin raga aan filayay in haldoorka ay ku soo
baxaan Xasan kumuu jirin waxan islahaa Xagle Toosiye oo kale wuu soo
bixi doonaa, oo Khadar mulkiilaha Ambbasaddor Hotel  waan ka waayay
liiska
Intaa aan ku dhaafo Xasan Cumar Hoori iyo faaladiisii cadhadu ka keentayba.

Nin gole ka cadhooday Siigo Yaraa ayay maahmaahi tidhaahdaa, waxan
shalay idhahayga saaray rag waawayn oo kolay aan anigu u han waynaa oo
ku leh, anigu abaalmarina qaadan maayo oo waayo? Qaar waxay iigu
jawaabeen Daahir Rayaale iyo C/laahi Ciro ayaa ku jira nin kale  oo
waliba culimo ahi markuu meeshii yimid iee uu liiskii akhriyay ayuu
iska baxay waxana igu maqaalo ah Xirsi markuu ku arkay Liiska ayuu
qaatay go’aankaasi in uu iskaga tago abaal marinta. Nin kale isna
wuxuu u iman waayay maadaama oo Madaxwaynihii Jamhuuriyadu bixinayo
Abaalmarinta oo uu yahay kii Xilka iga qaaday maxaan ka dooni ayaa
laga hayaa.
Nasiibdarada jirtaa ee Somaliland haystaa ayaa waxay tahay mid bisayl
badani ka maqan yahay, qaaciido aasaasi ah ayaa tidhaahda hogaanka dal
yeeshaa wuxuu noqdaa hadba sida wadciga dadka dalkaasi yahay.

Haddaad aragto ruux ruux kale ku kacsan oo xataa dantii guud ee uu
kula waday uga tagaya ruuxaasi dartii, markaasi kaasi lama odhan karo
waa ruux dhamaystiran, haldoornimadana markeedii hore ayaa lagula
khaldamay Ilaahaybaase seejiyay.

Waxan hadalkayga kaga baxayaa Abaal marinta qorista maqaalada haweenku
xiiseeyaan ayaan siinayaa Xasan Cumar Hoori madal il yartu is qabatay
oo waliba haween u badan ayaanan ku siinayaa waxanan ku kalsoonahay in
uu iga aqbali doono maadaama oo akhristayaashii barnaamijkaagii caanka
noqday ee xaawo iyo aadan ay wali joogaan adiguna aad tahay ninkii
qori jiray.

Qalinkii Sulieman Ismail Bolaleh

-- 
*Suleiman Ismail Bolaleh*
*Senior Human Rights Researcher*
*Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)*
Cell No. 00252 2 4429552
Office Email: hornwatch@yahoo.com
Personal Emails: sbolaleh@yahoo.com, xuquuq@gmail.com
*Hargeisa, Somaliland*
COMMENTS