|

Xisbiga UCID Oo Shahaadada Cayda U Diyaariyay Wasiir Geeljire. Qore Xuseen Badmaax.

Xisbiga UCID oo shahaadada cayda u diyaariyay Wasiir Geeljire
Maaha la yaab hab-dhaqanka siyaasadeed ee dawlada dalka ka talisaa inay samaysato xubno ka tirsan wasiirada oo ay mucaaridka u adeegsato,waana nidaam hore aduunka u soo maray balse laga gudbay.Waxaana badi laga adeegsan jiray dalalka ay ka talin jireen keli-taliye.
Jamhuuriyada Somaliland dawladahii soo maray mid waliba heer wanaagsan ayay soo gaadhsiisay,ha noqoto nabada,hir-gelinta dawladnimo,xoojinta ciidamada noocyadooda kala duwan,waxbarashada,caafimaadka.Waxa kale oo aan qirsanahay inay aqoonyahanka,ganacsatada iyo qurbo-jooguna qaybta ugu culus hormarka dalka ay hir geliyeen.Waxaynu suurta gelinay qaabka xisbiyada badan.Waxqabadkaa dalka laysla hinjiyay ayaa dawlada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed-Siiraanyo ayay indho-adaygooda la soo taagantahay gel-gelin ayaanu dalka ugu nimi,horumarka dalkana anagaa gaadhsiinay.Taa waxa ka sii daran oo uu Madaxweyne Axmed-Siiraanyo iyo dawladiisu waxay noqotay dawladii ugu horaysay eek a guurta dastuurka dalka,kuna dhaqanta xeerar ay dalka ka dhaqan geliyeen,sida ka doorashooyinka,kordhinta muddada labada gole ee sharci dejinta,kan ugu danbeeyay ee daljiraha lagaga xayoobiyay xaqiisa qof-nimo,uguna yeedheen xeerka sirdoonka.
Akhriste,Madaxweyne Axmed-Siiraanyo iyo dawladiisu waa taa ay shacabka u samaysteen xeerka carr-juuq dheh,xisbiyada mucaaridkana u samaystay xubno wasiiro ah oo noqday dhengad lala dhaco hadba masuulka dhaliila hab-dhaqanka dawlada ee loo leexshay nidaamka keli-taliska,waxaynu arki doonaa tiiyoo si dadban looga guuray qaab-dhismeedka dawladnimo ee aynu dooranay,hadaanay dawladu dib ugu laaban jidkii dimuqraadiyada aynu ku heshiinay.
Markaan taa halkaa ku dhaafo,waxa aan taabanayaa Wasiir Geeljire oo mar labaad ku celiyay cayda masuuliyiinta xisbiga qaran ee UCID mar uu warbaahinta la hadlaayay isagoo ku sugan London.Wasiir Geeljire waxa uu si xilkas la’aani ku jirto ugu bariiqday jawaabtuu ka bixiyay dhaliishii uu Gudoomiye kuxigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali-guray u jeediyay dawlada dalka ka talisa.Wasiir Geeljire waxa aan leeyahay maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaa “Sidaad isu taqaan maahee waa sida laguu yaqaan.” Markaa shacabku wuu yaqaan inaad tahay daabka gudinta ee geedkii laga jaray hadana lagu gooyo,waa laga dheregsanyahay in wasiir-nimada lagugu siiyay caydii Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng.Faysal aad warbaahinta ku soo ban-dhigi jirtay,maantana aan waxba laga soo qaadayn cayda aad kula dul-kuftay Mujaahid kaaga lexo-jeclo badan dalka iyo dadkaba.Markaa wasiir Geeljire waxaan leeyahay xisbiga UCID waxa uu kugu soo dhoweynaynaa shahaadada cayda masuuliyiinta ucid,waana kuu mubaax waxaad ku hadashaa.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
____________________________________________________

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS