XISBIYADA MUCAARADKA AH IYO QAAR KA MID WARGEYSYADA OO CAADAYSTEY CAY IYO QARRAN DUMISNOMO>
Markii aynu qaadanay – nidaamka dimiqraadiga ah iyo axsaabta faraha badan waxay ujeedadeenu ahayd in dalka lagu horumariyo laykuna saxo – wixii qalad ah iyo wixii qummanba la sheego. laakiin waxaad moodaa inaan taa la fahmin ama aan lagu qanacsanaynba.
dalkan soomaaliland ayaa hadda cagihiisa ku taagnaa muddo ku simman 22sano-waxaa looga fadhiyaa qaangaadhnimo iyo in maxkasada laga koro- laakiin waxaa muuqatada in dib loo socdo siiba xisbiyada mucaaradka iyo wargeysada iyo webabka ayaa qaarkood ay caadaysteen inay cay iyo afxumo joogto ah oo gudbiyaan waxaa tusaale fiican ah laba xisbi mucaarad, hasii kala daraadeene waxay siyaasada u fahmeen cay iyo naxli dadka lagu quraaciyo- waa nasiib darro nin doonaya inuu talada dalka hanto inuu u muuqan waayo qof masuul ah ,oo badiil u noqon karra nidaamka uu saluugsan yahay.
Xisbiga wadani ninka hogaamiyaa – waa nin macquul ah oo masuulnimo ka muuqato- waxaase jira dad wax qora oo isu muujiya inay taageereeyaan xisgigan laakiinse aan axsaan u samaynayn- xisbiga ucud ayaa ah xisbiga ugu xikmada yar uguna cayda badan – gudoomiye ku xigeenkiisa 2aad cali gurey ayaa ah hooraayaha hargeysa.
mm jama.
mahamudmohamedjama@yahoo.co.uk—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
