XORMAYNTA CADAALADU WAA XAQ SOORIDDA ( FAALLO)!
Hordhac ku soo celineed:-
Waxan bishii ugu dambaysay ee sanadkii ina dhaafay, maalin sabti ah qoray maqaal aan ku sii sheegaayey in cishooyinka ugu dambeeya ee 2012 illaa ayaamaha ugu horeeya ee 2013 ay soo bixi doonaan Derejaddii Ciidamadu, sidda aanu ka hellay warar qarsoon oo ku xidhan madaxtooyadda, maqaal-kaas oo dad aad u fara badani ay cay ka soo celiyeen iyo ma idinkaa heli kara wararka sidaas ah, waxan hadaba u sheegaynaa in ay saxaafadu meello aanad adigu geli akrin ay gasho, meel walba ay xog u doonto, oo aanu ka kaluumaysano uur ku jirta iyo obocdda, kalana soo baxdo siraha ku qarsoon, kugu fogayn maayo ee waa iga xasuus, bal in ay wax ku qaataan kuwii lahaa ma Xirsi baad ka heshay, ma dhuxul, ma saraakiisha ciidamadda, ee ay qaar-kood gaadheen illaa iyo Marwadda Madax-weynaha ( Amina Weris). dadka aanu meesha ku haynaa waa kuwaa aan waxna keenayn, waxana aan qaadanayn ee ku soo dhawaw maqaalkii hore waa kane:-
XORMAYNTA CADAALADU WAA XAQ SOORIDDA ( FAALLO)!
Aasaaska nolosha bani’aadamku wanaageedu, wadda noolasha-heedu, is xaq dhawr-keedu, wax wadda qabsi-geedu, horumar-keedu, is maqal-keedu, sinaan-toodu, kalla sarayn-toodda,eex-doodda iyo kalla dhaweysi-goodda, isu imasha-dooddu iyo kalla tageedu, burbur-keedu, dhisnaan-toodu,colaad-deedda iyo nabad-dooduba, isla dagaalan-keedda iyo is weheshi-geeduba, dib u dhaceedda iyo baaba’eeduba, waxay ku salaysan yihiin kollba sidda ay tahay cadaalad-deeddu, maamulka faraha ku haya ee markaa ka jiraa uu u xaqiijiyo ama uu isaga dhega tiro, sidda uu kulla dhaqmo dadka hoos yimaadda awoodda ay ku xukumaan iyo xilka ay u hayaan sidda ay u gutaan ama uga soo baxaan xumaan iyo samaan-ba, kumana sina oo keliya inta aan sare ku sheegay ee ka badan ciidan aan ku dul taagan nahay oo la tiriyo, waayo waxa ugu yar tusaalle ahaan waa ta guri-gaaga aad kaga bilawaday, ee aad ugu gar qaado marka ay caruur-taadu is qabsadaan, sidaas oo ay tahay, la’aan-teed iyo khaladka laga gallaa xaq sooridda waa nolol la’aan iyo yoomal-qiyaamii oo kugu soo hamaan-saday, waxa igu kelifay hadaba in aan saaka u qaato qalinka, waa sidan haddii aad wakhti u hayso ee iga hoo adoo mahadsan:-
Dhawaantan inagu soo aadan ama aan ku gudda jirno ( laga bilaabo imikadan aan qoraayo maqaalkan), waxa inagu soo fool leh sidda ay sheega-yaan xuuraanka ka soo burqanaaya iliilaha wararka laga hello ee Xukuumadda Somaliland, maalmaha ugu dambeeya sanadkan2012 illaa iyo ayaamaha ugu horeeya 2013 ay qaybin doonaan Derajaddii Ciidamadad nooc ay yihiin-ba ( Booliiska, Ciidanka Wadooyinka, Sir Doonka, Ciidanka qaranka waa Milateriga’e i.w.m), taas oo illaa Maamulkii Madax-weynihii hore Mudane Daahir Riyaalle Kaahin kollba heer soo socotay, dhawr jeer ay is tidhi qaybi maamulkii hore, mar walba-na carqaladi ka hor imanaysay, taas oo la sugaayey mudo laba-iyo-labtaan sano ah ( 22 years) in mar uun la arko, oo ay ka baxaan ciidamadda somaliland is dhex yaacan la moodo in ay yihiin weli Jahbaddii S.N.M ee wadda subeehiga ahayd ( wadda Dable), ee aan u ekayn ciidan qaran, kuwaas oo leh sawirkii dhiboo markaa la soo qoray oo aan kalla sunta-nayn, yeelka-deed ee waxay iyaba ka mid tahay duruufii dalka yaalay ee suxuladda ku soo gurguu-ranaayey, kollba taako ruqaansa-naayey, hadba taagtii rogmanaayey waxay soo gebi-dhac-laysaba, waatan imika la leeyahay waa la qaybi-nayaa, maxaase la gudboon Xukuumadda Somaliland ee looga baahan yahay weeye su’aashu?
Waxa looga baahan Cadaalad iyo xil kasnimo, fiiro dheeraad ah, iyo garasho ay ku dabaqdo waayo’aragnimadda dhaqan-keena, uu ku dhisan yahay, taas oo ah Beelaha iyo Gobollo, Aqoonta askariga, Heerka Taba-barka ay kalla leeyihiin, Wax-barashadoodda, Xilalka ay kalla hayeen intii ay Ciidanka ahaayeen, tix-gelin-teedda mudadda ay kalla joogeen ama ugu soo kalal horeeyeen askari-nimadda. Way fara badan yihiin astaamaha loo eegi karaa, marka loo qaybi-naayo derejadda la hadal hayo dhawaan in la bixiyo, farina kama qodna, oo kuma koobna dhawrkan tusaalle ee aan kor ku bixiyey ee waan ku kebi-siiyey oo qudha, bal sidda ay u eeg tahay akhristaw in muhiimka loo kalla siiyo, oo ay noqoto derejo bixin-tani mid si walba u dheeli tirin ( in kasta oo hadal aan la waayi doonin) waa la iga badsaday, tii aan xaqa u lahaa la ima siinin iyo beel heblaayo baa loo raray, waa wax iska iman doona oo aan la yaab lahayn, waayo dhan-keena baa iska ah sidaas, oo waxan nahay Ummad magaceedda la yidhaaho Baho-Cabasho, oo wax deeqaa aanay jirin haba yaraatee, loona daliil-sado qabyaalad baa la igu sameeyey, ma yara akhristaw tabashoo-yinka aynu la nimaadnaa marka aynu xaqiiqdda sinta saarono, waa haddii aynaan meel iskaga baydh ahayn, iyo xoollo cir doon, waayo waxan sii ogahay in Beel kastaa, Gobol waliba, askari kastaaba uu rabo in xantoobsado derejadda ugu saraysa, tiradda ugu badan, madaxdda qaybaha ugu muhiimsan inta kalle-na cidlla la diro, hadana waxaynu ka sheekay-naa Cadaalad iyo sinaan, saw maaha dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kalla dhawraay, ma garanaayo waxa inoo wacan ama xun in ay inoo kalla cad yihiin iyo in kalle.
Iyadda oo ay intaas oo dhami ( dhibaato) jirto, inana hor iman doonto, haddii ay dhab noqoto Qaybinta Derejadda Ciidamadu, waa in ay Xukuumadu uga baaraan- degtaa si sal iyo baar ah, inta aanay ku kicin arintan, oo aanay faan ka deyin iyo wixii labaatanka sanadood la la’aa baan ku keenay laba sano iyo badh iyadda oo la ogaa inta ay soo rafanaysay illaa maamulkii Ina Xaaji Ibraahim Cigaal, Waxa la yidhi “Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kalla yaacye” maaha in ay kalla xigtay-sato gobol iyo beel, oo ay qiil u sii banayso kuwii sugaayey qayllo dhaanta in ay afka gacanta geliyaan, waxa ku waajib ah Xukuumadda in aanay ku deg-degin xataa haday dib u sii dhacayso, waa in ay ku kalla gurtaa si sinaan iyo cadaalad leh.
Gebo-gebo waxay tahay oo aan ku soo dabray maqaalkan, haddii ay sidaas samayn waydo dawladu, waxay iman doontaa tii uu sheegaayey Illaah naxariis-tiisa ha ka waraabiyo’e Ibrahim Aw Saleebaan ( Ibrahim Gadhle) ee tixddii Dir-Soo uu ku yidhi “ Sidda daalinkii hore, Ma mid daarad-diisuun, Derejadda ku booboo, Inta kalle dulmay Dhali”, haddii ay ku dambaysa in ay noqoto mid lagu bixiyo Musuq-maasaq, eex, xigtaysi, reer hebel u qari, kuwan kallena ku yaree, madaxdda isi sii adigu, colaad qarsoon, u kalla badin, waxay cidhib-teedu ahaan doontaa in qumbuladdii lagu riday Horoshiima dagaalkii labadd ee aduunka qalad la mid ahi in ay ina soo food saari doonto, askarta meesha joogtaana, haddii ay xaq darro tirsadaan, cuqdad-na kalla qaadaan, waxa laga eegaaba waa xumaan iyo ciidanka oo shicibka ka mid noqda, oo askariba la waayo, siddaas awgeed tallo waa ta aad runta ka martaa ee aanad khiyaali ku warwa-reegin, waana ta looga bahan yahay Xuluumadda Somaliland maanta, waa in ay dib u soo celisaa kalsooniddii Ummadda kaga halawday Doorashaddii, haddii-se ay tanina u sii raacdo ka eeg ceeb iyo haayey, ma wacana in fartii ay Xukuumadu qaadoba, qayllo ka wagac tidhaaho, mudaahardo ka dilaacaan, oo ay is tidhaaho xoog ku muquuni, taas oo maamul awood is bidda hore halkuu ku dambeeyey aynu si weyn uga wadda dhereg-sanahay iyo wuxu ku dambeeyo, weliba tan waa la yaqaanaa askarta hor boodaysaa maskax-doodu waxay tahay, dar aan illaah-ba goror ugu shubin madaxa guud saarna ay soo ligan yihiin, weligood-na aan kob cagaar leh ka soo durdurin, oo aan beel mooyee wax kalle ku dhaqmin, oo caan ah, lase arki doonaa, gurayaddii haadda noqotay, inta ay baalal ay ku duusho la soo bixi doonto.
* N.B Tallo waliba taranteed bay taako ugu tagtaa!
Abdi-shotaly,.
Oodweynenews.com
