Xuska 19 Guurada Ka Soo Wareegtay Asaasii Ciidanka Qaranka Oo Maanta La Qabtay Iyo 12 Saraal Oo Bilado La Siiyey + Sawiro
Hargeysa (OWN)_ Xuska asaaska ciidanka qaranka oo ku began sannad guuradi 19aad ayaawaxa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa taasi oo uu madaxweynaha Somaliland guddoossiiyey 12 sarkaala oo ka tirsan ciidanka bilado
Waxaana munaasabada ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland , wasiiro ka tirsan xukuumadda, iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka.
Waxaana madaxweynu ku guddoonsiiyey 12 sarkaal oo ka tirsa ciidanka kuwaasi oo ah kuwa uu madaxweynuhu hore digreeto ugu magacaabay, waxaana ka mid ah taliyaha ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale, Taliyaha booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, iyo taliyaha ciidanka asluubta Maxamed Xiirane.
Waxaana hadalo kala duwan ka soo jeediyey munaasabadda madaxweynaha , qaarka tirsan wasiirka oo uu ka mid yahay wasiirka gaashandhiga Axmed Cali Xaji Cadami.
Kuwaasi oo dhammaantood ka hadlay doorka muhiimka ah ee ay ciidanku u leeyihiin jiritaanka qaranka.
Oodweynenews.com,Hargeysa Office






