FILIMKA HERERI & CAWKE WAA MAXAY SARBEEBTA KU JIRTAA?? DAAWO XAGA HOOSE AMA GUJI.
HALAKAN GUJI AMA KU QOR YOU TUBE KA SAMYNT FILIMKA HERERI IYO CAWKE:http://www.youtube.com/watch?v=i4Eyq6CtAKk
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi dhamaan umadda somali-land iyo bahweynta website yada, intaa kadib;waxaan maanta qalinka u qaatay waa maxay ama sarbeebta ku jirta filimkan ay cawke & hereri oo hereri ku matalyo (gama’diid) oo gam ka siiyey reerkii qixiyey oo inamdiina yidhi inakeena dagaalanee iyo cawkoo ku matalya (guuleed) oo nabdoona, markaa maxay saadinayaan ma colaad baa so socota u jeedad filimka oo qarash badani ku baxayo iyo u jeedada laga leeyahay waa sarbeeb aan dadku aanay garan, nin reer xamarina wuu duubayaa filimka.
maxaa loogu mataliwaayey gobolada kale ee soomaliya, mise maxa keenay in maanta inagoo 21sanadood nabadgelyo ilaahay ina siiyey maxaa dib dadkii loo soo xasuusinyaa wixii soo maray, maxaa waxa wanaagsan ee horumarka ah ay gadhay somali-land looga mataliwaayey filim iyo sirta nabada iyo dawladnimada iyo doorashooyinka ay heliwaayeen dalal badan oo african ah.
”THE BEST SECRET IN AFRICA” oo ay caalamku layaaban yihiin ilaa maanta dal aan la ictiraafsanyn oo horumarkaa gaadhay arintaa cawke iyo hereri yaan loo hoosaasinine ha is ka gartaan!!!!!!!!!
waxaan hadalkayga ku soo koobayaa wanaaga iyo wixii horumar ku jiro oo lagu tusaalaynayo umadda halaga matalo filimaan laakiin wixii dhiilo ama aan wanaag inoo horsaydeen halaga fiirsado
wasaarada warfaafintuna waa inay (faafreeb) ku samayso wixii filim ama documentary lagu matalayo waa shaqadeedii oo caalamka filim iskam duubi kartid adoon soo bandhigin u jeedadiisa iyo inay wadanka wax u dhimayso sumcadiisa.
Aniga kolaytaba si kale ayey iila muuqatay, maxaa keenay filimkan maanta in lagu matalo somali-land maa koonfurta lagu matalo maanta u baahan wacyigelin arimahaas.
by: jaamac max’ed xuseen(Baadiye)
bristol
UK.
khadar102000@hotmail.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
