Madaxweynaha DDSI Oo Cafis Weydiistay Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa hoggaanka Jabhadda ONLF ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan baaqa Ra’isal wasaare Abiy Axmed uu u soo jeediyey jabhadaha iyo xisbiyada mucaaradka ee ah inay nabad qaataan.

 

Wuxuu hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta Deegaanka, wuxuuna kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo isbeddellada 100-ka maalmood ee uu xilka hayey ra’iisul wasaaruhu.

 

Wuxuu intaa ku daray in mar kasta oo shaqo la qabanayo uu khalad dhici karo, “ balse wararka brobogaandada marka la iska reebo wixii aan khaladkiisa leennahay inaan saxno ayaan diyaar u nahay, Dhammaanteen waa inaan khaladkeenna qiranno, isla-markaana aan dalbanno cafis, dhaqankaasi ayaa loo baahan yahay inaan dhammaanteen caadeysanno, Hoggaanka jabhaddu colaaddii iyo naceybkii hore ee ay sannado badan waddanka u hayeen intey dhinac iska dhigaan, dadaallada nabadeed ee dalka ka socda waa iney qayb ka noqdaan, Dhammaan maxaabiistii u xidhneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayey, wakhti xaadirkan hal Qof oo jabhadda ONLF darteed u xidhan ma jiro” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku soo beegmaya ayadoo Isbeddello siyaasadeed ay ka socdaan dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya

Cabdi Maxamuud Cumar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker