Joe Biden iyo Maxamed Bin Salmaan oo Yeelanay Kulankoodii u Horeeyaay

Madaxweynaha Mareyknaka, Joe Biden iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa laga yaabaa in ay markii ugu horraysay kulan yeeshaan bisha soo socota, sida uu tebiyay telefishinka CNN oo soo xiganayay ilo wareedyo kala duwan.

Maamulka Biden ayaa wadahadal kula jira saraakiisha boqortooyada si loo diyaariyo kulanka fool ka foolka ah ee labada hoggaamiye, kaasoo dhici doona inta uu Biden dibadda uga maqan yahay Mareykanka.

telefishinka fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Biden iyo Wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiga ay ka wada hadli doonaan arrimaha ku saabsan nin lagu magacaabo Sacad Al-Jabri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker