Dhacdo Naxdin Badan: Nin Magaalada Muqdisho Ku Gowracay ilmo yar Oo Laba Jir Ah

Dhacdo argagax ku abuurtay Dadka Dagan Xaafada Gubta ee Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, ayaa la shalay gelinkii dambe ka dhacday Degmadaasi.

Waxaa lays waydiinayaa sababta keentay in ku hubeysnaa Mindi ku uu Gowraco ilmo yar oo da’deeda aad aheyd 2-sano ji ,laguna magacaabi jiray Idman Cabdilaahi.

Dadka Degan Xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Deyniile magaalada Muqdisho uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in Ninka dilka gaystay oo ku Hubeysnaa Mindi uu galay Qolka ay jiiftay gabadha yari ,kadibna uu si arxan daro ah u Gowracay, waxa ayna tilmaameen in Hooyadii dhashay gabadha ay Naxdin la suuxday, isla markaana uu goobta ka baxsaday Ninka sida ay Xaqiijiyeen Dadka Degaanka.

ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga Sababta ka dambeysay arrintaasi,balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ninka falka geystay iyo Haweeneyda uu Xidhiidh hore ka dhaxeeyay.

Ciidamo Ammaanka ee Degmada Deyniile ayaa tagay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo baadi goob ku haya Ninka Falka dilka ah ka dambeeyay.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker