Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Ka Jeedinaya Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Baaqday Ka Qayb Galka Shirkaasi.

New York-(OWN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay Magaalada New York, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah xubno sar sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo dhawaan ka dhaci doona Magaalada New York Sababo la xadhiidha Khilaafka ka dhex taagan dowladda iyo maamul goboleedyadda.

Waa Sanadkii labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqdo ka qayb galka Shirka Golaha Guud ee qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad , Sawir hore

Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker