Deni iyo Butlaan…?

Madaxweyne Siciid C/laahi Deni, raad taariikheedkiisa siyaasadeed qoyani, wuxuu dhadhamayaa innuu yahay Nin ay mabaadiida falsafada Majeerteennimadu biyo dhigtay; maha siyaasiyi kursi doon uun ah–waa hoggaamiye xambaarsan aragti ummaddeed ( Putland Philosophy ). Deni, siyaasiyan wuxuu xooga iskuugu geyn doona arrinta Dastuurka KMG ah iyo tubta lagu gaadhayo doorashada 2021ka. Wuxuu tacab iyo tamar badan ku bixin doonaa, si nuqalka u dambeeya ee Dastuurku u noqan lahaa mid u addeegaya danaha Butlaan.

Taarikhiyan, Butlaan illaa iyo hal-abuurkeedii nidaamka faderaalka (1998kii) iyo ilaa & saxeexayaashii, waxay ahyd xiddigtii hoggaaminaysay dhiraan dhirintii DKMG iyo geedi socodkii qorshahii kala guurka. Butlaan, waxay ahyd kooxda ugu abaabulan dhinaca walba, marka loo eego xoogagii saaxada siyaasadda kula jirray.

Ka dib guullaheedii siyaasaddeed ee is daba joog ahaa, sida gole-keenida fikirka nidaamka federalka, hoggaaminteedii qaybo qoraalka DKMG, aasaasiddii Jubalaan, Koonfur-Galbeed iyo la-qaad-waleyntii & isku dhererinta Somalilaan, oo gooni-isu-taagtey; aakhirkii waxay dhirbaaxo kulul kala kulantay dhismahii Gal-Mudug, oo gobol iyo badh ka kooban.

Marka laga shidaal qaato soo jeedinteedii hir-gashey ee ahyd: ” In laba gobol iyo wixii ka badani noqdaan D/gobolleed” oo aakhirkii ku ansaxay qodobka 49(6) ee DKMG iyo garab istaaggeedii  dhisamaha Jubalaan iyo Koonfur-Galbeed, oo ay labadaba kaga guullaystay fikirkii ay qabtay DF.

( Dhismahii labadaas maamul waxay meesha ka saareen, aragtidii hir-gashay wixii ka dambeeyay 1991kii, oo ahyd; in Gaalkacayo ilaa Kismaayo ay yahiin deegaan beesha Hawiye u xoog badantahay, Siyaasiyana la’aantood aanay waxba ka soconayn; arrintan Alshabaab lafteedu saameyn weyn ayey ku lahayd, waayo waxaa ku aarsaday beellahii aan hubaysneyn ama laga xoog badnaa. ” Boowe, qarkaan qar dheh” ayey Majeertaanku yidhaahdeen.)

Butlaan, waxay u muuqatay inay  rabtey, in beesha Hawiye yeelato hal M/gobolleed; mar haddii  tirrada gobolada soo hadhey ay yahiin 3.5 gobol; Muqdisho na la yidhaahdo: waa caasimad la wada leeyahay ( 4.5 ). Laakiin waxaa dadaalkeedii aan habbeen seexadka lahyn fashiliyey awoodii siyaasadeed ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha hubaysan ee Habar-gidir, oo suurta galiyey maamul ka kooban gobol iyo badh. Galmudug waxay ku dhisantahay awood beelleed, oo sharkeeda cid walbi ka goojisay; jawaabtooda dhinaca shuraada sharciga ahina waxaa weeyey: ” 0.5ka naga maqani, wuxuu baaqi ku yahay Butlaan; haddii rabitaanka faderaalku dhabka yahay, ha soo wareejiso haddii kale, waa innoo nidaam dawlad dhex ah”.

Taageeradii uu ka helay wakhtigii olalaha kooxda Faroole ee gudaha looga yaqaan ‘Aaran-Jaan’ wareysigii koowaad ee uu bixiyey iyo casuumada meeqamka sare ahyd ee uu fidiyay siyaasiyiinta mucaaridka Muqdisho ee ka qayb galaaya xafladda caleemo saarkiisa; waxay dhamaan dhacdooyinkaasi astaan iyo bidhaan cad u yahiin sidda Deni ula macaamilo doono Farmaajo iyo Kheyre. Hubbaal Deni wuu ku ad-adkaan doona DF ah, marka loo eego MW Gaas, oo ahaa siyaasi madax banaan, danley na ah. Waxaa xusid muddan in maalmahii u dambeeyay ee olalaha doorashada ay isu muuqdeen Nabad & Nolal iyo Deni, oo aan goolaaftanka waxba la is loola hadhin.

MW Deni, wuxuu wajahi doonaa Jamuuriyadda aqoonsiga raadinaysa ee Somalilaand, oo ku jirta xaaladdii siyaasaddeed ee ugu adkayd tan iyo aasaaskeedii. Wuxuu jaanis fiican u haystaa innuu ka dhabeeyo sheegashada Butlaan ee Sool iyo Sanaag; wuxuu la loolami doonaa MW Muuse Biixi, oo lumiyay kalsoonidii dadka deegaanka; welina hortaagan fulinta hishiiskii Khaatumo, oo la waafajiyey kii beellaha Awr-boogays iyo Adhi-cadeeye. Sidoo kale Biixi, wuxuu dagaalkii Tukaraq ku lumiyey kalsoonidii beesha caalamka; Gaas oo ku jirra sannadkii u dambeeyay muddo xilleedkiisa ayaa Biixi kaga guulaystay dhegta midig ee Yamamoto, Keating, David Concar iyo dhammaan xubnaha beesha caalamka.

Deni, isagoo jaaniskaas weyn haysta haddana iskuma luri doona arrinta Sool iyo Sanaag, laba sababood awgeed: 1. Mar haddii miiska faderalka Soomaliya ee wax lagu qaybsanaayo, ay Butlaan ku matasho Sool iyo Sanaag, cid kale na aanay ku qabsanahay–markaa Butlaan quudhi mayso qiimaha ay ugu kacayso in Sool iyo Sanaag laga saaro Somalilaand ama culays joogta ah oo macno leh lagu hayo. 2. Beesha Caalamka marna ma aqbalayso qalaalase halkaas ka dhaca, Butlaan wey u dhago nagushahay awaamiirta beesha caalamka. Butlaan waxay aaminsan tahay in arrinta meeqaamka Muqdisho, ay100% uga muhiimsan santahay muranka Sool iyo Sanaag. Deni, wuxuu xoog iyo xeelad isugu geyn doonaa siddii aanu gobal Banaadir u noqan lahyn, awood siyaasaddeed oo seddaxaad ( GM+HSH+Banaadir) oo u soo kordha beesha Hawiye.

FG: Muddadii uu Deni Wasiirka Qorshaynta Somaliya ahaa; mashruucii tirikoobkii UNFPA waxaa Sool iyo Sanaag la raaciyey Somaliland, sidoo kale isla mudadaas waxaa beesha caalamka lala saxeexday hishiiskii Somali Combat–New deal, oo Somalilaand ku lahayd nuqalka macaamilka gaarka ah, Somaliland Special Arrangement/SSA.

Burjiga siyaasaddeed ee Deni, wuxu tijaabadiisa koowaad mari doonaa doorashada soo aadan ee Jubalaan. Doorashadaas oo loollano kulul oo ujeeda badan ah, laakiin salkiisa hoose yahay: awood kala riixashada maamulida gacan ku haynta Kismaayo, oo u dhaxeeya Absame, Harti ku jufan oo Axmed Madoobe horkacaayo iyo Mareexaan Sade uu dhabarka ka soo taabtay waddanigii Soomaliyeed ee Farmaajo. Df ahi, waxay qorshaynaysaa inay Bu’aale ka saarto Alshabaab kuna qabato dooraasho; Madoobeha dhibi-lisanaaya iyo  maleeshiyaadkiisana loogu gali waa Kismaayo, oo barqo dheer ayey dhaantada tuntaan. Haddii Deni isticmaalo saamayntiisa siyaasadeed, dhinaca ay Butlaan taageertaa garab weyn ayuu helaaya.

MW Deni, oo noqanaaya masuulkii ugu hantida badnaa ee madaxweyne u noqda dad Soomaliyeed, waxay shacabkiisa rajo weyn ka qabaan innuu wax weyn ka qabto addeegyada bulshada ee liita iyo amniga gudaha. Su’aasha ummaddu is waydiinayso ayaa ah: Deni, ma ka madax banaan doonaan kooxaha bulshadu u aragto maafiyo ku hagoogan magacayada ‘ Culimo iyo Ganacsato’ oo allaaba mashruuc raadis ah; hoggaamintooda bulshaduna aad u qawadsantahay.

W/Q: Xasan C/qaadir Yuusuf ( Hassan Garnayl )

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker