Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo farriin kulul hawada u mariyay Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaliya, Cabdiqaasim Salaad Xassan, ayaa ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay al-shabaab ku hayaan dadweynaha iyo dowladda, isagoo fariin kulul hawada u mariyay kooxdaasi. Waxaa uu dhanka kale la hadlay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda.

‘Waxaan leeyahay dagaalka joojiya, dowladdiina, iyo dadweynahiina madaxdoodana la hadla oo dalka dhibaatada ka dul qaada”, ayuu yiri Cabdiqaasim oo la hadlaya al-shabaab.

‘Soomaaliya iyadoo dagaal jirin bay dhibaato qabtay tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay, mushkiladda ka dhaafa, wax aad ka heleysaan lama arko oo aan ka ahayn idinku inaad baaba’adaan, oo qabriga markii la idiin geliyana naarta la idinku afuufo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar uu la hadlayay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri,

‘Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, madaxweynaha wuu dadaalayaa, dowladda way dadaaleysaa, Ilaahay barya, gacmahana is qabsada oo inaad dowladdiina la jirtaan meel walba haa laga arko hana lagaa maqlo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker