Xidhiidhka ka dhexeeya heerkulka iyo Koroonafayruska

Heerkulka iyo Koroonafayrus

 

Waa weyddiin la oogi karo bal in xidhiidh ka dhexeeyo heerkulka dal iyo xawliga faafitaan ee cudurka Karoonafayras.

Maalmahan waxa la maqlayaa dhawaaqyo ka soo baxayaa qaar ka mid ah bulshooyinka ku nool dalalka Yurub oo cudurkani dalalkaas qaar faro baas ku hayo, taas oo ay miciin bidayaan imaatinka diirranaanta xagaagu bal in uu ka soo gaadho, hoosna u dhigi doono heerka faafitaanka cudurkan.

 

Waxa aynnu og nahay in xitaa carrigeenna in duraygu ama infiladu ay aad dadka ugu dhex faafaan xilliga qabowga, taasina ay badhitaar u noqon karto xidhiidhka ka dhexeeya xilliqaboobaadka iyo cudurrada saameeya neefmareenka ee ay dhaliyaan fayrasyada kala duwani.

 

Tusaale ahaan, warbixin baa sheegaysa intii u dhexaysa Feebaweri 9 ilaa 30keedii, tirada maalinle ee dalka talyaaniga uu cudurkani dadka ku soo ridan jiray uu afar laab ka noqonayay tirada dalka Taylaan – laba dal oo celceliska heerkulkooda kala ahaa xilligaas 9 digrii (Talyaaniga), iyo 35 digrii (Taylaan).

Isbarbardhig kale oo xiiso lehi waxa weeye celcelis ahaan isku dhawaanta heerkulka xilligan ee magaalooyinka dalalka uu sida ba’an u saameeyay cudurkani oo kala ah Wuhan (18 digrii), Tahraan, dalka Iiraan (16 digrii) iyo Rooma, dalka Talyaaniga (15 digrii).

 

Haddaba, marka aynnu u nimaadno qaaradda Afrika, iyada oo dadka qaar aad ula yaabbanaayeen fiditaanka aan degdegga ahayn ee cudurkani, taas oo uu weheliyo welwel badan oo la xidhiidha adeegga iyo kaabeyaasha caafimaad ee aadka u hooseeya, ma laga yaabaa in cimilada diirran ay nayaayiro u noqoto bulshooyinka Afrika?

 

Maalmaha soo socda ayuun baa inoo kala  caddayn doona. Mid baa jiri doontaa: Fayrasku in uu ku sii negaado oogada walaxaha in ay wax iska beddelaan waa laga yaabaa, sida la sheegayo, se faafitaankii ka imanayay neefsigu waa halkiisii.

 

Si kastaba ha ahaatee, inta ka horraysa, waxa lagama maarmaan ah, in tilmaamaha lagaga hor tegayo cudurkan iyo wacyigelinta la xidhiidha si fiican loo weeleeyo, looguna dhaqmo.

 

Ahmed Ibrahim Duale

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker