Mulkiilaha Telefiishanka Astaan Oo Xoriyadiisa Dib U Helay

Waxa Maanta xabsiga laga soo daayey Mulkiillaha Telefiishanka Astaan oo muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa Hargeysa.

Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa la siidaayey, kadib markii sida la sheegay uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey .

Cabdimanaan Yuusuf ayaa hore Maxkamadi ugu ridday xukun dheer iyo ganaax lacageed, ka dib markii Xeer-ilaalinta Somaliland ku eedaysay arrimo ay ka mid yihiin basaasnimo, waxaana Maxkamaddu sidoo kale soo saartay xukun ah in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, laakiin Maanta ayaa Cabdimanaan la siidaayey ka dib markii uu Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker