“Barqo qudha kamuu ladin intaa boolli qaataha eh”. Tix Baroordiiq Ayaa Loo Tiriyay Muj.Xasan Guurre Jaamac

BAROORDIIQDA XASAN GUURE| Abwaan Maxamed Cumar Cabdilaahi (Mutanabbi) ayaa tix ugu baroordiiqay Mujaahidkii halgamaaga ahaa xaq u dirirkii ma liicaha ahaa ee Alle ha u naxariistee Xasan Guure jaamac. Tixdan gabayga ah oo la yidhaa Boqorkii Run sheegga waxa ay soo baxday 17 May, 2020. Wuxuu yidhi:
Inkastoo baxsanihii amiin boodhka lagu duugay
Waagii baryana uumiyaha mawdku kuman booqdo
Buska aadmigoo idilna gali iilna laga buuxin
Oon ruuxna laga baajinayn geeri budulkeeda
Anna aanan sii beer nuglayn balana soo joogay
Bahashaa se kala daran judhaa laysu baaqaaye
Markay laqan ku soo beegantee geesi ka hor baydho
Eey qaaddo beel daajahaa beer ku ololaaye
Beryahaaba waxay sii sideen baashayaal qarane
Maantana duqbaa baxay dalkani uu u ba’ayaaye
Waxa iilka lagu soo bannaday boqolle buure ahe
Xassan Guure baashuu ka tagay, way banaan tahaye
Inkastoonu gabay bogin intuu buuxin jiray kaalin
Oonu baylah weeyaane karin hadal bayaanshaaba
Hayeeshee haddana buus ma gayo maan burqanayaaye
Burjiyada wanaagguu lahaa iyo buruudkooda
Bal an sheego dhawr baydh dad waw bogay halyeygiiye
Cadliguu bayaanshaha ahaa aan ka baydhaynne
Marka been geddii sheegayaan beeso lagu qaatay
Buur dheer intuu koro runtuu aw ka baqanaayay
Badheedhbuu u odhan jiray kolkuu dhuunto biddihiiye
Carrabkiisu wuxu beeri jiray hadalka baarkiiye
Boqorkii run sheegguu ahaa geessi aan baqanne
Halgankii beryaha tegay cadliga loogu wada biiray
Maatada bahdii laga dilee bahal ilaalaystay
Nimankii is biimaynayee baaxaddii jiidhay
Hannadadii baraarugay ayuu baarka ka ahaaye
Inkastoo kuwii laga bogsiday oo bir lagu saaray
Iyagaa kuwii kaa baddalay boob la soo kacaye
Barqo qudha kamuu ladin intaa boolli qaataha eh
Waatuu badheedhaha ahaa aan bun dhimahaynne
Waatuu badh reebaay lahaa biishatooy waare
Xasan guure ha usoo baxeen bilistu dhawr wiige
Barxad haysu soo buuxiyaan, Ha u baroortaane
Hal abuurku waa been haddaan baydad loo odhanne
Kuwa hadalka buushaa-baxshaa ha isu baaqeene
Duco haw bineeyeen intay tixo bisleeyaane
Boqoroow allahayoow adaa baaxadloo wayne
Adigaa wanaagaagu bilay qaar an kaa baqine
Adaan badin xanuuniyo halaag qaar ifka iska bidaye
Adoo gaal, biyuu siiyay ey, naarta uga baydhshay
Oo samo qofkii baydhsan gala dad u bishaareeyay
Marag weeye basharkuba hadday bar isu raacaane
Bi’in maysid aadmigu nimay khayr ka baahsheene
Boqoroow allahayoow waxaad joojin boos wayne
Bustaan waxad ka siin beer ku taal nabiga baashiiye
Baradii rasuulkuu ku noqon negi barwaaqoode
Baryadaada eebboow ma ihi ruux badshoon arage
Baaqiyoow allahayoow wuxuu noo ahaa buure
Xasan guure naaraha ka bari baaribaad tahaye.
Tixda Boqorkii Run Sheegga, Maxamed Cumar Cabdilaahi (Mutanabbi)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker