“gurigayga ayaa la soo weeraray, gaadhi ayaa si qorshaysan loo galiyey,” Guddomiyaha Waddani

Guddoomiyah Xisbiga Wadani ayaa sheegay in Weerar qorshaysan lagu soo qaaday Guri uu ku leeyahay Xafada Goljano ee Magalada Hargeysa.

“gurigayga ayaa la soo weeraray, gaadhi ayaa si qorshaysan loo galiyey, maaha markii koowaad oo waxaa ka horaysay in gurigayga ay dad la soo diray taayiro dab lagu qabtay ku tuureen. Falkaas hore iyo kan saakuna xidhiidh ayay leeyihiin.

Falalkani waxay u muuqdaan weerar qorshaysan oo ay dawladu ku talogashay oo ay doonayso in ay nagu cabsi galiso, waxaa sidoo kale jirtay in maalintii mudaharaadka ay damceen in ay gaadhi na jiidhsiiyaan aniga iyo murashaxa madaxwayne iyo kuxigeenkiisa. waxaas oo dhami waa cabsi galin.”

Waxaanu leenahay waxaad dilaysaan dila, waxaad doonaysaan xidha, waxaad doonaysaan qaada anaga waxaasi na cabsi galin maayaan ee runta ayay tagi”.

Ayuu yidhi gudoomiye Xirsi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker