Sudan: Ciidamo Milatari ah Iyo Kuwo Sirdoonka Ka Tirsan Oo Isku-rasaaseeyay Khartuum

Is rasaasayn xoogan ayaa laga maqlayaa Badhtamaha Caasimada Suudaan ee Khartuum, waxana ay wararku sheegayaan in Tacshiiradan ay iswaydaarsanayaan Ciidamada Milatariga ah ee Suudaan iyo Ciidamo ka Tirsan hayada sidoonka Qaranka ee Suudaan ee magaceeda loosoo gaabiyo (NISS).

 

 

Sida  ay wararku sheegayaan Waxaa jirta Ciidamadan Nabadsugida ah oo Shaqada laga joojiyay Ku Waa soo Gadooday markii mudo la siin waayay mushaharooyinkoodii , Waxaanay  sheegeen inay xaq u leeyihiin oo Xukuumada rayidka ah ee talada qabsatay ay ku guul daraysatay inay bixiso.

Hayadan Nabadsugida  ah ee (NISS) ayaa waqtigii uu Talada Hayay   Al-bashiir ahayd mid Awood leh oo si wayna looga cabsado, balse wixii ka dambeeyay marki Albashiir Xukunka laga qaaday ayay saamaynteedii  hoos u dhacday, waxana muuqata in amnigu uu gacanta u galay miltariga, Dad badan oo Shaqaalaheeda ka mid ahaana shaqada ayay isaga tageen, ama laga Caydhiyay.

Wariyaasha  ku sugan Khartuum ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in isku-dhaca u dhaxeeya laamaha Amniga ee Sudan uu yahay mushkilad wayn oo hadii aan xal dag deg ah loo helin wax u dhimi karta amniga dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker