Boliska Dalka Barazil Oo Kaymaha Gubanaya Ee Amazon Ka Helay Nin Liibiyaan Ah

Booliska dalka Brazil ayaa la sheegay inay ninkaasi maalmo ka hor ka heleen kaymaha gubanayo ee Amazon, waxayna la xidhiidhiyeen Safaaradda Liibiya ku leeyahay Brazil si ay ugu fududeeyaan in dib loogu celiyo dalkiisa hooyo.

Xuseen Cumar Xuseen oo ah muwaadin Liibiyaan ah ayaa la sheegay inuu in ka badan toddoba sano keligiisa ku noolaa Kaymahaas oo ku yaalla dalka Brazil.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Brazil waxa uu ninkaasi si keli ah ugu dhex noolaa kaymahaasi, kadib, markii laga dhacay dhamaan lacagihii iyo dukumentiyadii uu lahaa.

Xuseen Cumar Xuseen ayaa la sheegay inuu markiisii hore ka soo ambabaxay dalka Liibiya sanadkii 1995-kii, oo uu tegay Jarmalka, halkaasi oo uu ku noolaa tan iyo sanadkii 2012-kii.

Waxa uu u sii gudbay dalka Brazil isla sanadkaasi, halkaasi oo uu isagoo joogay dhowr bilood ay ka lumeen dhamaan wixii uu shaqsi ahaan u u qaatay.

Si kastaba ha ahaatee, lama sheegin dalka uu ku haminayey inuu Brazil U suu dhaafo , ka hor inta aan la dhicin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker