Jose Mourinho Oo Hal Arin Ku Dhaleeceeyay Mohamed Salah Kulankii Ay Liverpool Ka Badisay Chelsea

Jose Mourinho ayaa dhaleeceyn  gaar ah ugu soo jeediyay Mohamed Salah ka dib guushii ay Liverpool ka gaadhay kooxdiisa hore ee Chelsea.

 

Jose Mourinho ayaa Mohamed Salah ku eedeeyay inuusan dadaal weyn sameynin 15kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaartii ay Liverpool ka badisay Chelsea xalay.

 

Reds ayaa sii wadata guulaheeda iyagoo badiyay lixdii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan horyaalka halka ay sidoo kale badiyeen kulankii 15aad ee isku xiga ee Premier League oo ka soo bilaabanaya xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

“Waxaan aaminsanahay in 10kii ilaa 15kii daqiiqo ee ugu danbeysay kulankaan in Mohamed Salah uusan dadaal weyn sameynin” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports.

“Waxay aheyd inuu wax badan caawiyo Alexander-Arnold, ka dib Alexander-Arnold waxa uu soo geli lahaa gudaha halka Firmino uu isna gadaal u soo yara digi lahaa.

“Marka ay ku qaabato xaalad ah ‘waa inaan si foolxumo ah ku badino, uma caaboonin sidii hore, ma heli karno goolka seddexaad waa inaan si fiican difaac u galno.

 

 

“Nasiib ayay ku lahaayeen fursadihii ugu danbeeyay ee lagu helay, Chelsea gool ma aysan dhalin laakiin waa ay ka badin kareen waqtigaan.”Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa isna dareemay in guusha ay aheyd mid weyn, waxaana isaga oo ka hadlayay qaab ciyaareedka kooxdiisa uu yiri:

“Waqtiyo fiican ayaa ina soo maray, weliba waqtiyo fiican oo aad u badan, sidoo kale Chelsea iyadana waqtiyo fiican ayaa soo maray sababtoo ah waa koox aad u fiican.

“Labo gool oo cajiib ah, kubad raacasho badan oo aan kubada inta badan ku guuleysaneynay laakiin kubadihii aan ku guuleysanay si fiican uma isticmaalin, waxaan heli karnay fursado badan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker