Aabo Gaadhi Curyaan ka Masruufa Qoyskiisa Magaalada Laascaanood:

Aabbo Jaamac Ceydiid Cabdi oo da’diisu tahay 45-sanno jir, ahna qof labada lugood naafo ka ah, waxaa uu magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaga shaqeystaa gaadhi ah nooca loogu talo galay dadka naafada ah, amase curyaamintu ay isticmaalaana, kaasi oo muddo hadda laga joogo sagaal bilood uu ugu deeqay nin ganacsade ahi.

 

Gaadhigan oo uu ku socdo ayaa waxa uu ka dhex sameystay ganacsi miiska alaabooyinka lagu iibiyo ah. Waxaanu dhinacyadda kaga xidhay biro, dushana waxaa ka saaran shiraac halka qaybta hoose ee gaadhigan yar uu miis ka dhigay, kaasi oo uu u adeegsado iibinta waxyaabaha kala duwan , sida khudaarta muuska, canbaha, xabagta iwm.

 

Haddaba aabbahan ayaa intii aanu bilaabin hawshan, waxa uu joogi jiray gurigiisa, maadaama wax shaqo ah oo uu hayaa aanay jirin, waxaana uu deganaa isaga iyo todoba carruura oo uu dhalay guri hal maqsin ah oo laga qaadi jiray shan iyo labaatan dollar, isaga oo nolol ahaan ku tiirsana boqol dolla oo dad qaraabadiisa ahi ay dibadda uga soo diri jireen.

 

Jaamac hadda isaga ayaa la soo baxa noloshiisa, wuxuu subaxa hore ka soo baxaa gurigiisa, gelinka hore oo dhan ayuu ku wareejiyaa ganacsigiisa waddooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee Laascaanood, gelinta danbena suuqa weyn ee magaalada ayuu ku iibiyaa ganacsigiisa.

 

Jaamac waxaa uu sheegay in lacag dhan $200 ay kaga baxday billaabidda gaanacsigan, lacagtaas oo uu u soo diray nin ay ehel yihiin, imika afar kamid ah carruurtiisa ayaa dhigta iskuulka oo uu bishii midkiiba uu ka bixiyaa $7

Jaamac isaga oo lix jira ayuu naafoobay, kaddib markii uu ka soo dhacay geed uu fuulay, sidaasi ayaaney labadiisa lugood ku burbureen, waxaa uu sheegay in dadka macaamiisha u ah ay ku farxaan marka ay arkaan hal abuurkiisa, su’aalo ayay ka weydiiyaan sida uu gaadhi curyaanka ugu dhex-sameeyey ganacsi noocan oo kale ah.

 

Bulshada naafada ah ee ku nool gobolka Sool ayaa Radio Ergo u sheegay in aanay gobolka ka jirin wax fursado shaqo ah, waxbarasho iyo adeegyo u gaara dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

 

Aabbo Jaamac Caydiid Cabdi isaga oo ka sheekeynaya sida uu ugu najaxay shaqadan uu bilaabay isaga oo ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba waxaa uu yidhi “Noloshu waa igu adkeyd markii hore oo wax aan waxba ii tareyn ayaan dad ii soo dirayeen, ganacsigayga waa kobcayaa, lacag 15 dollar ah ayaan maalintii helaa, annaana iska bixiya raashinka iyo adeegyada qoyska oo dhan”

 

Guddoomiyaha guddiga dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Sool, Sheekh Mubaarak Dool wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in tiro-koobkii ugu dambeeyay ee ay 2016 ka sameeyeen degmooyinka Laascaanood, Xuddun iyo Taleex ay ku ogaadeen in 860 qof oo naafo ah, 120 kamid ahna ay haween yihiin ay ku nool yihiin saddexdan degmo waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya ’’Tiradaas afar qof oo macallimiin ah ayuun baa ka shaqeeya iyo Jaamac oo ganacsi sameystay”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker