|

Dawlada Cusub oo dib u raacday Raadkii Shalay‏ By: Xuseen Xasan Badmaax

Dhamaan ummada reer Somaliland waxa aan ku salaamaya salaanta islaamka,
waxaanan leeyahay innagoo ku jira 10kii ugu danbeeyay bisha Ramadaan Allaah
khayrkeeda hayna siiyo,midnimadeena iyo jiritaanka Somaliland-na allaah haynoo
adkeeyo.
 
Muddo ayaan qalinka miiska dhigay oo aan ku hamiyay inay dawlada cusubi ka
baydhi doonto jidkii tii ka horaysay.Balse aragtidaas waxa soo afjaray talaabooyinka
ka soo ifbaxay hogaanka cusub ee talada dalka la wareegay,gadhwadeenkana uu ka
yahay halyayga loo hanka waynaa,muddada 6da sannadood ahna soo hogaamiyay
ururkii xoreeyay Somaliland ee ah hooyada nabadgelyada iyo jiritaanka maanta aynu
ku neginahay.
 
Shacabka Somaliland waxa uu rajo buuxda ka qabay hogaanka cusub isbedel dhab
ah oo ay 20sannadood u oomanaayeen,uguna horayso caddaalad iyo sinnaansho,
biyo iyo iftiin si siman dalka looga helo. Waxase muuqata muddada yar ee ay xukuumada
cusubi talada dalka haysay inay indhaha ka daboolatay rajadii iyo isbedelkii ay shacabku ka
filayeen, kana leexatay jidkii horumarka,caddaaladii oo aanay uba soo dhowaan,
sinnaanshihii oo ayna weli daymoon.
 
Taariikhdu ayadaa isqorta,waanay soo noqnoqotaa, waxa aad moodaa inay dawlada
cusubi dib usoo cusboonaysiisay talaabooyinkii qaaxo,xaaladahii 92kii iyo 96kii ummada
soo maray,mudanayaasha ay ka koobantahay xukuumada cusubina waa masuuliyiintii
madaxa ka ahaa dhacdooyinkaa dalan-dooliga u daadihinaayay. Waxa iftiimay hogaanka
dawlada cusubi inuu kalsoonida saartay garabyadiisii tan iyo qaaxo ay shaxda kala
qaybinta soo wada degeen. Sidaa darteed ayay dawlada cusub miisaankeedu dhinac
ugu janjeedhaa si ay ugu suurtawdo dabinada qarsoon ee ay damacsantahay dhawaan
inay fuliso. Dorraad ayay ahayd markii ugu horaysay in qaaxo lagu qaybsamo,numbarro
badana halgamayaasha loo kala bixiyo,27kii may maalintii Burco SNM gashay waxa
uu gudoomiyaha SNM oo ah madaxweynaha talada dalka la wareegay nagala soo
qayb galay shir ballaadhan oo laamaha dibadahu ku lahaayeen London dalka ingriiska,
waxay ahayd arrin aad u qalafsan ururkii oo qaaday dagaal kama danbays ah inuu
gudoomiyahoodii oo la joogay isla maalinkiiba ka soo doolo etopiya!
 
Waxay ahayd shalay dhacdooyinkii foosha xumaa ee 92kii iyo 96kii dalka ka dhacay
waxyaabo lagu cimro qaato oo aan dib loogu noqon balse waxa ayaamahan hordhac
jaraaidka qaar loogu soo tebinayaa inay degmada Maxamuud Haybe meelo ka mid
ah iyo masaajido ka mid ah ay ka socdaan taageerada Al-shayaadiin. Aragtiyahaa
oo muujinaya danaha qarsoon ee ay dawlada cusubi ku talo jirto. Gantaalaha soo
jafaaya qararka danbe waxay daah furayaan tilmaamahii siyaasadeed ee shacabka
qaar dusha looga tuuray,laguna eedeeyay inay koonfur iyo federaal u xaglinayaan,
burburkii ummada ka soo gaadhayna waa waxyaabaha dib u dhaca keenay,maantana
gurguurasho qarsoon ayaa la dilaacinayaa oo la durba la damcay in shacabka koonfurta
hargeysa lagu shaanbadeeyo laguna xidhiidhiyo Al-shayaadiin. Shacabka Somaliland
waxba uma kala qarsoona,waana lays ogyahay hadii ay inuun jiraan cid raad ku leh
xagjirayaasha degmooyinka u badan.
 
Tani oo u muuqata in ummada reer Somaliland lagaga jeedinayo talaabooyinka
maldahan ee xukuumada cusubi ka qaaday arrimahii ay shalay ka soo horjeeday
ee ahaa eex iyo xaqdarro sida kootooyinka aan tartanka loo gelin iyo naas-nuujinta
dhinaca hayska u leh. Waxa ayaamahan muuqda inay dawlada cusubi dib u raacdayso
raadkii shalay ummadu ka soo gudubtay.
 
Waxa aan kula talinayaa dawlada cusub inaanay iyadu istabcayn ee ay sugto
cadaalada iyo jiritaanka Somaliland.
 
Somaliland guul.
 
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/Somaliland
—————————————————————————————————————————————–
Afeef:  Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kala dila.

9 Responses for “Dawlada Cusub oo dib u raacday Raadkii Shalay‏ By: Xuseen Xasan Badmaax”

  1. cali says:

    Waar Xuseenoow iska qayil hayna waaline

  2. wiil isaaq says:

    iska qayiil haku dheex waalane kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hadii kalee ADA WAREERI DOON

  3. Ceerigabawi says:

    Waa Hadal wanagsan Iyo Fekrad Fiican Waa In Dawladdu waxay dadka U Sheegtay Ka Dhabaysa, Kootadii Ina Riyaale na anay dib dalka ugu soo celin
    hadii kale waxay iska ahayd awr kacsi

  4. Dangarad says:

    Akhristayaal qoraagani maskax caafimaad qabta ayuu fikirkiisa ku cabiray. Waayo soomaalidu waxay ku maah maahdaa nimaan waxa jooga garani waxa soo socdana ma garto . Taas oo macnaheedu tahay sumadahan aan kaftanka gelayn ee laysku shaanbadaynaayo waa wax inay damaqdo ay tahay shacab iyo dowladba dhamaan wixii danaynaaya jiritaanka qaran somaliland.Gaar ahaana waa inay dowladu talaabo ka qaadaa wax ku oola. Hadii kale waxaa loo fasiranayaa (fii shay)oo kadibna aduunku laydhka kugu shidanayaa.Markaa halaga digtoonaado waxyaabaa macno darada aha . Maah maahbaa tidhaa (BOORAAN HADIMO HA QODIN HADAAD QODANA HADHEERAYN KU DHICI DOONTAANA MOOYEE) .

  5. geellle says:

    Waar Badmaax warkan aad sheegtay waa dayro iyo waalli, waxa dadka kala qaybinayaa ee burburka doonaya oo dawladda u dan lihi waa warbaahinta qaar sida; Waaheen iyo Haatuf iyo Qaran, ma aha dawladda waxa baahisay argagixiso iyo Al sheydaan, sidee aad ugu eedaysa dawladda iyadoo la ogyahay in waaheen iyo Haatuf dawladda burburkeeda wadaan

  6. Cumar Darood Xassan says:

    Sxb xussenow ma dhici doonto in markale durban la inoo garaaco islamarkan waxan jirin la inoo sheego taasi waxey noqotey mid eynu ka soo dognay oo eynu dhibteeda soo dhandhaminay ma dhici doonto in ay afmiisharayaal la garanayaa oo ey rag ku shaqeysatan habeen ba daan go’a u soo ridan oo ey sheegan waxaan arladaba jirin, maanta ninka leh cidagaalaa Ashababaa ah iyo saxaafada iyo kuwa buunbuuninaya waxan leeyahay waxisku fala’ oo beenta iyo baroobagaadhan ha joojiya oo ummadiina u tudha haddii maanta sidii hore ba u dhacday ilka ah ubadka iyo maatida lagu qaado cidna faa’iidi miyso dawladan la ahaan maayo, runtii geeli wuu inoo dhalee yaan caan ah la iska daadin dawlad iyo shiciba, saxaafadduna wey dheereynaysaaye dulqaad badan ha loo lahaado

  7. jama says:

    waa bil ramadaan waar tolkoow maxa idiin diiday hadal wanaagsan , ba laayadan la sahadiinayaa jooji yaan afkeena laynoo raacine, oo dawlada ha loo duceeyo

  8. Somalilander says:

    It is waheen & hatuuf that are accusing everyone of Alshabab including the government. Wa in wax laga qabta!

  9. Cumar Darood Xassan says:

    Saxafadu maaha iney adeegsato magaca beeleed, haddii ay doonayaa in ey ashkhaasi ama dawlada waxa ka sheegan waxan haboon in ey ku eekadan shakhaastaasi iyo magaceyadooda, haddii ey dawlada tahay oo ey dawlada wax ka sheegaan waa in aney runta baal marin, wixi run ah waa muhiim in umada loo sheego, waxa iyan meesha qaban ooruntii marwalba inaga xaaran ah in eynu been sheegno ama been abuurno waxan sal iyo raad toona la heyn runtii looma baahna, waxan leeyahay maamulka iyo mulkiilayaasha sadexdaasi shabakadood ee Haatuf iyo Waaheen iyo Qaran iska shaandheeya waxa ay soo qorayaan wariyaashiinu iyo ilaha ad wararka ka soo xigatan waxa ay qorayaan, runtii waxan mar walba mudan inuu mulkiiluhu ogaado waxa maalinkaste ey soo daabacayaan shaqaalihiisu waa inuu isha mariyaa ugu yaran laba jeer intaan suuqa lagu sii deyn wargeysada saxaafaddan lagu qorin, haddii u sidaasi u feejignaan waayo oo u maamulka shabakada cidkale ku haleeyo wixi sumcad xuma ah ee u yimaada isagaa ka mas’uul ah mulkiiluhu

Leave a Reply