|

Warka uu Wariyuhu qoro isaga ayey u gaartahay Baasha uu ka dhashey shaqo kuma laha.‏By:Khan Maxamed Farax

Aduunka aynu ku noolnahay hore ayey u socdaan Xidigaha iyo Dayaxa ayey higsanayaan inaguna dib ayeynu u soconaa,taas waxa aan uga socdaa arimaha dhawaan dhacay ee Wariye (Yusuf Cabdi Gaboode) uu ka dhawaajiyey keentayna dood aad u dheer mar hadaynu qalinka ku doodeyno waaba caafimaad iyo nabad iyo ilbaxnimo inagu soo koradhey,arinkaas dooda dheer laga galay ma doonayo in aan dib ugu noqdo,waxii dhacay waa ay dhaceen waxase haboon in arinka halkiisa loogu tago oo aan la leexin,hadii Nin Wariye ah uu qoraal soo qoro isaga ayey u gaartahay waa shaqadiisa daruurigaa ee uu ka dabaro masruufkiisa,waa in isaga lagala xisaabtama xageebaad ka keentay warkan,Dawlad iyo maxakamad ayeynu leenahay ina kala saareysa,waa khalad in wariyaha la iskugu wada tago,oo ilaa heer Beesha uu ka dhashey la caayo oo la aflagadeyo,sabatoo ah Beesha uu ka dhashey shaqo kuma laha warkan u gaarkaa wariyaha.
 
Sheekadii uu wariye (Yusuf Gaboobe)ka dhawaajiyey ee ka wada careysiisey sidey u badan yihiin Beesha Bariga Burco,oo wali la hadal hayo aya hadana ilaa shalay waxa soo baxay Beelkale oo leh war been ah aya lanaga qorey oo waanu careysanahay eeduna waxa ay saarantahay labada wariye (Yusuf C Gaboobe iyo Axmed X Ciise)oo u kala madaxa labada shabakadood ee kala ah Haatuf iyo Waaheen,Beesha wax ka sheeganeysana waa Beesha koonfurta magalada (Hargeysa)
 
Waxa arinka keeney sawaxanka iyo buuqa labada wariye Yusuf iyo Axmed labaduba waxa ay ka soo jeedaan Beesha Galbeedka magalada (Hargeysa) oo iyaga markastaba hadalku ku dhacayo ilaa hadana aan laga haynin wax war ah,waxana habooneyd in aaney aamusin ee ay yiraahdaan labadan Nin waa wariyayal Dadkana u dhaxeeya hadii aad wax ka tirsaneysaan Dawlad aya jirta ha idinkala saarto,ama ay yiraahdaan waa naga dayro Ragani ama ay yiraahdaan waxbaanu isku ognahay ee Ragoow,adkeysta ileyn siyaasad aya inaga dhaxeysa iyo loolan Ragna waligood Aduunka waa is wada haysteen.
 
Anigoo arinka dhexdhexaad ka eegaya waxa aan eeda oo dhan saarayaa labada Beelood ee cadhoodey waa labada Beelood ee dega Bariga Burco iyo koonfurta Hargeysa waxa ay ahyd in ay is dajiyaan oo la yimaadaan Reer magaalnimo,waxa ay ahyd in ay ogaadaan in maanta Aduunkii sidii hore ahyn oo uu is badalay,waxay ahyd in ay ogaadaan in ay Ragan ay yihiin wariyayaal ay na tahay warku shaqadooda,warka ay soo qorayana uu yahay warba warka uu ka qaraaryahay,waa shaqadoodii waa meeshii ay ka debarayeen masruufkooda,waa hawsha Aduunka oo dhan ka dhaxeysa ee wariye nimo,waa iibi oo beeci warba warka uu ka qaraaryahay Dadka iyo bulshaduna warkaas ayey jecelyihiin in ay iibsadan.
 
Labadan Nin waxa hubaal ah inaaney dayneynin xitaa Beesha ay ka dhasheen,waa lawada ogaa qoraaladii ay ka qori jireen Madaxweyne Riyaale iyo Marwadiisa Huda wax ay ula hadheen ma jirto,waxaba ay dhib iyo fadeexad u soo hooyeen Reerka ay ka dhasheen hadaba Beeshaas yaaban ee la yaban Nimankan ee yaabkii la aamusey in hadalo kale oo gaf ah loogu daraa meesha ma taalo,iyo xaal naga soo siiya labadan nin,Nimankan Niman xaal laga bixiyo maha faraha ayey ka baxeen,cidii wax ka tirsaneysana iyaga oo aan buuqin maxkamada dacwo ha u gudbiyaan maxkamaduna ha isku dhageysato hana kala saarto.
 
Bal cinwaankan ila eega.
 
(XUBNO KA MID AH GUDIDA GUUD BEESHA CIIDAGALE IYO CUQAAL BEENIYEY WAR BEESHA LAGU EEDEEYEY OO WARGEYSKA WAAHEEN QORAY)
 
Halkaas wararku waxa ay qorayaan Odayashii Beeshu in ay arinkan ka shireen kadibna ay war ka soo saareen.waa hawl culus mana doonayo in aan ka sii hadlo waxanse jeclaan laha in Beeshu arinkan u daayaan dhalinyarada fahansan warka xortaa ee iyaga naftirkoodu ku nool ama ku noolaa Canada iyo America marka ay warka akhristana si dhakhsaa u fahmi kara arinka,haday noqoto in wariyasha lala doodana la fadhiisan kara wariyaasha kana wada doodi kara arinka iyaga oo si dhakhsaa isku fahmi kara.
 
Waxkastaba in ay Odey dhaqameedyadu soo kala dhex galaan laga wacan,meeshan Geel lama kala dhicin,waa arin fudud arin laba Beelood isku soo hor fadhiistaan maha Dawlad ayeynu leenahay Calan leh oo madaxweyne iyo Wasiiro u dheer yihiin,yeynaan dib ugu noqon xiligii jaahilnimada Beelahan hal mar wada caroonayana ha is dajiyaan waxa lagu jiraa 2010.
 
Arinka ah xafadaha Hargeysa waxa laga yaba in ay ku sugan yihiin nimanka koonfur ka dagalamaya,waa suura gal waa ay inala joogi karaan,Canada iyo America iyo wadamo kale oo dhaqale leh aya baqdin ka qaba Wiilasha Somaliyeed Masajidada wadamadan waxa ku wada dhexjira oo Dadka la tukanaya- Dad Sir doon ah,Wariyaashuna intaas uunbay sheegeen iyo tuhun waana la daba gali karaa warkaas meesha uu ka yimi,waxana u xil saaran Wasaarada Arimaha Gudaha,waana in aan la dhayalsan warkan oo uu soo kala dhex galaa wasiirka Arimaha gudaha waa shaqadiisa uu Dadka ugu hayo xilka,sheekadani ka weyn qoraalo yaryar oo la isku dir diro iyo xaalbaanu kala dooneynaa,waa war weyn halisna galinkara dhamaan Dadweynaha Reer Somaliland.
 
Hadii uu warkaasi noqdo war been ah waxa xilkeeda qaadaya labada wariye.haduu warkan rumoobana waxa xilkeeda iska leh Beesha warka laga sheegay,arinkana waxa uu u yaala Dawlada Somaliland warkani mid ka dhaxeeya maha laba Beelood mana noqonkaro mana loo leexinkaro sidaas ula socda.waad mahadsantihiin.
 
Khan Maxamed Farax.
Vancouver Canada.
kjawil@hotmail.com

——————————————————–

 Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kala dila.

29 Responses for “Warka uu Wariyuhu qoro isaga ayey u gaartahay Baasha uu ka dhashey shaqo kuma laha.‏By:Khan Maxamed Farax”

  1. suldaan says:

    khan indr dadkani waligood ilbiximayaan fahmi mayaan dimuqraadiyada waxan hadii aad wax wayn aad iskaga dhigto uu kugu wayn lakiin hadii aad eegto aad iska dhafto wax kama qaadi karo , Qof caytamay qof aamusey ayaa ka badhiyey ( af daboolane waa dahab)

  2. Onkod-iyo-Hilaac says:

    Haddii aad beelaha kale caydid, jawaabtu waxaa weeye cayda beeshiina. Qabyaalad ayaa meesha socota oo waa lawada qasanayaa.

    Hargeyse waxay noqonaysaa Muqdisha maalindhow, Burco ayaan anigu tegey.

  3. gadhleh says:

    Ramadaan kariim , well done khan si qurux badan ayaad dadka u hugo tusaalaysay dadkeena u badan maan gaab maanta hadii aa dhaliisho dawlad reer buu noqonaya hadii aad qof dhaliisho reer buu noqonaya hadii aad qanacsade dhaliisho reer buu noqonaya ,marka dadku cashar badan ayeey u baahan yihiin

  4. runsheeg says:

    walaahay khaan si wacan buu hadladlay oo waa khalad in qofkaa sarkhaanka ah waa ina gabooyee reerka uu ka dhashay loo caayo mida kale waxaan u sheegayaa kan gadhle layidhaa inader meesha adaa fahmay laakiin xaqiiqda ka sheeg waar ina gabooye maysagaa durbanka garaacay markuu lahaa habarjeclo muu ku joogo oo qudha siilaanyo ,xirsi xukumada iwm imika waxaa cad reer kale waa ciidagale e ay ka cabanayaan uu u mushiikhdoodi argagixiso ku sheegay walaahay waxaa fiican inaan khaladka laysugu nacamlayn ee dawlad iyo shacab meelooga soo wada jeesto oo la xidho hadhawna sidii rayaale 1000 dolar loo laabo laakiin maaha in beesha uu ka dhashay la caayo waayo markaa isagiibaa loo hiiliyay

  5. Aare guul-hele says:

    ninkani waxa uu iska-jecel yahay in la-xidho oo dabadeedna kolka lasoo-daayo uu debedaha ubaxo oo kubarya tago saxafi baan ahay oo waa layxidhay ee waa in la ii yaboohaa. Gaar’ahaan waxa uu baryada ladoontaa ururrada Reer-yurub oo uu baraystay oo kiishash utoshay. Kolkan waxa muuqataa in uu caydii iyo aflagaaddadii uu geystey lagu-xidhi-waayey. Sidaasna waxa kaga-barriiqsaday qorshi-hii uu doonayo in lagu-xidho dabadeedna kolka lasoo-daayo uu Yurub ubarya-tago. Fiirsha, kol kale ayaa uu caytami-doonaa oo af-legaaddoon-doonaa si looxidho, illayn waxa layidhi dawcadu meesha ay macal kubaratay ayaa ay macaluul ugu-baqtidaa. Waar jooji baryada iyo yaboohsashada, oo maskaxdaada iyo muruqaaga maal, Eebbaha weyni nin buu kaadhigaye.

  6. Libaax says:

    sidaad u sheegteenba maaha in beel nin loo caayo laakiin beeshii iyadaa taageeraysa markuu caayay beesha madaxwaynaha waatii aad halkan sacabka uga tumayseen ee aad ku faraxsanaydeen imika ciidagale ayaa la caayay ayaad sidii geeri laydiin soo sheegay la yuururtaan kuwan qora haatuf iyo waaheen waa in la xidhaa oo maxkamad la soo taagaa shacabka ayay iska horkeenayaan loomana baahna waxaas

  7. Salah says:

    Nin waalan tolkii ayaa u miyir qaba, qofwaliba haduu qalin qaato uu cay iyo xajiiman degaan dhan ku ceebeeyo ogaada in halkiisa loogu tegi doono, labadan nin ee Waheen iyo Haatuf ku magacaaban iminka digniin ayeey qabaan haday ku joogi waayaan abaalkeeda ayeey heli tii oon tolkood iyo xigtadood midna aan lagu xadgudbeen.

  8. nin galbeed says:

    MUJAAHID YUUSUF GABOOBE ILAAHAY WUXUU QALINKIISA KU FASHILIYAY DHAGAR LOO MALEEGAYAY QARANKA SOMALILAND, GASHAANTIDA GADHKA LEH EE INA CALI GEEDINA ARINTEEDU WAA DHUUMASHO DHABARKU MUUQDO, OGAADANA CIIDAGALOW HADII ALSHABAAB LAGU SOO HOGAAMIYO SOMALILAND CIDA EEDAYSAA WAA IDINKA WAAYO TUUGTA WAX XADA 100/% WAA IDINKA, WALEE INAY BIDIX ISKU WADA SALAAMI

  9. galbeed says:

    Dhibaatada dadkeena haysata waxa ka mid ah in halka waranku mudo aanay dhayin ee ay bilaabanto ciddii wax dhayi lahayd inay iyana waramo qaadato,tusaale yar haddaan kuu soo qabto nin wariye ahi hadduu qaldamo halkii uu qaladka ka galay xallinta laga bilaabi maayo oo arrinka keligii lagu koobi maayo,ee waxa dhacaysa in meesha la keeno sheekooyin kale oon meesha xikmadba ku lahayn,tusaale ahaan haddaan soo qaato markuu maqaalka uu qoro cid la wada xaajoonaysaa ma jirto oo si caafimaad qabta wax u waydiinaysaa, ee waxaad arkaysaa iyadoo qaladkuu galay lagusii daray malyuun qalad oo dadkii ka cabanay in reer ahaan uu ugu qaldamay, iyagii reer ahaan ay isagii u caayayaan.

  10. runsheeg says:

    waar mid nacasa ayaa magayci soo qaatay adeer xishood dee runsheeg ma tidhid been sheegyahaw beensheegu dhalay hooyadaa ku caayi karimayno ina cali geediga aad sheegaysid e

  11. cabdi qani indhabuur says:

    khan sxb waan ku salaamay anigu sheekadan mar horaan jala ka idhoo waxaan ugu noqdaaa waa qalad markaa anigu arintaa dib khanoow way dhamaaatee sxb ha soo fagin ka kalee wali wax sii gaconayana yaan isna lala sii qasan markaa sheekadaa inga damiya jala oo markale aniga jalaaaaaaaa

  12. cabdi qani indhabuur says:

    waar ninkii yaxaas meeye sxb anigu sheekadan kuma jiree saaxiibkeen khan maxamed waa waxaad sheegaysee faysal cumar mushteeg waa isku da sawirkiisa maanta eeg odayaal baann la kaftamynaa kkkkkkkkkkkkkk waa kafatn saaxiibtinmo

  13. indhacase says:

    anigu waxaan odhan lahaa ninkan haatuf hor joogaha u ah in aan la isku mashquulin waayo waxa uu ucadhaysan yahay
    ayaa dadku wada garanayaan oo ah maxaa mr cukuuse loo dhigay afhayeenka madaxtooyada ee aniga la iiga dhigi waayay
    markaa hadlkiisu wax qiima ah oo uu kufadhiyo male

  14. GOBANIMO says:

    Ramaadan kariim, marka hore khaan si caafimaad qabta ayuu u fikiray qofkasta isaaga ka masuul ah khaladka u galo cidkale looma aaneen karo xata walaalkii ruma, qofka danbiga gala illahay(swt) isaago kali ayuu la xisaabtama isaago kaliyana danbigiisa waa ku ciqaaba, reerna wale wax ku tarimaayo maalinta qiyaame reer hebel baan ahan jiray laandheer waxasi socon mayso, khayrka ku dadaala walaalayaal

  15. jama says:

    DADKANI MAANAY SOOMANEEN MISE WAA DADKII MALAGU YIRI ILLAHAY NAARTA HA KU FOOGEYO QOF SOOMAN OO LAGA AQBALI WAYEEY NABIGUNA SCW YIRI AMIIN AMIIN AMIIN SADDEX JIR. QOFKA SOOMAN WAA KA XAARAN CAYDA IYO XANTU . QORANKAN WAA XAN OO KALE QOF AN KULA JOOGIN AYAAD WAX KA QORAYSA WAXAY EDEBTU KU JIRTA HORTIISA INAAD KAGA TIRAAHDO

  16. khadar says:

    khanow horta waad saxantahay oo in nin reer loocayo maha lakiin sidu haatuf iyo waheen wax uwada simaha waxaan sidaas sxb ku leyahay marka aad wax qorayso in cadaynteeda aad gacanta aad ku haysato manay fiicnayn ileen runta laga garaabaye meshaan riyaha ku raaci jirnay sidaad maqaladadi hore ku sheegtay cidi udul qadan mayso in la yidha waa burahay al shabab ku dhumalaysataan ileen way ka dhigan tahay marka lalayehay star ayey qabiilkaasi iskaga duba ridaane wanad salamantahay sxb

  17. QARXIYE says:

    Hadeer saacado badan ayaa is caayaysaan wax faaiido lehna maydaan sheegin ee dhamaantiin caadifad qabiil ayaa hoosta ku huursanaysaan, lasocoo maskaxda iyo fikirkii nadiifta ahaa ee aad hindisi lahaydeen ayaa idinka lumaya oo naxli qadhaadh ayaa midkiin kasta ku beermaya ee sxb-yaal maankiina waxan ka nadiifiya waayo? wax aad ku heleyso iyo cid aad wax ku yeelaysaa midna majiro ee dhoorkiyo dhafoorkoo ku daalaa waliba dawakhaad dulsaaran haraad iyo jeenaf oo tacab khasaar ah ayaad ka dhaxlaysaa. hadaba intaad iimaanka qanjaha gaysaan ka soo noqda oo naftiina ka waaniya noocan aad u hadlaysaan, aad ayaa looga quruxbanyahay wax kasta oo kale oo aad ku hadashaana way dhaamaan ee ka diga rogta……waa sida ay aniga ila tahay…..thanks

  18. Abdirahman says:

    anigu maan fahmin waxa ay la cabaadayaan BEELAHA, CIIDAGALE IYO HABARJECLO.. horta miyaanay jaraa’id ama website aad loo booqdo lahayn?? hadaanay lahayn ha samaystaan oo HALKAA HA ISKA DIFAACAAN.. waayo haddii ay leeyihiin jaraa’id ama saxafiyiin waawayn cidi kumay soo qaadeen dagaal saxaafadaysan…
    hadii uu jaraa’id wax kaa qoro maaha in uu u jawaabo SULDAANKU ee waa in jaraa’idkiinu u jwaabaa

  19. milgo says:

    waxan lahadlaya indha case walalaoadigan kudhibaye adigu yosuf siranyo afhayen maa ugaa dhiigi lahayd ilahay ayaan kugu dhariye,ninikan geesiga ah ee somalinad oo dhani kaqaylisay oodayga yare 90 jiirkaa ah. gacantisaba maisaga kasohadhaya….waar markad waxa qoraysan waa caqliga gaala kahadlaa……

  20. moha says:

    Sxb mr. abdirahmanow labada beelod baa way leeyihin websiteka iyo jaraido, khasatan beesha ciidagalle they have two new press papers and they can use it. But maxa faido igu jirta markan beel dhan kuu aflagadeeyo oo wax aan sax ahayn kaga sheego jaraidka? simple jawabtu waa dhucufnimo iyo khayr masulnimo. waayo qofku hadu garanayo hananka press writing wuxu yeelan laha backup ayu uu samaysan laha articles uu qooro. marka horta tan way dhacday laakinse labadan nin waa inay caalamka saxafada kaa duwanayn ay joojiyan sidan qaawan ay wax uu wadan.

  21. Libaax says:

    Isaaqu waa kala dhaqan Sacad muuse nin ka wax caaya ayay geesi u yaqaaniin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  22. ahmed caynabo says:

    Horta inad reer kaaga diifacdo markay khalad kujiran waxa kaga haboon inad marka hore uga dhigto. Waayo waxa kudoodaysan beel dhan yaa laa caynin ayagu miyayna beela dhan aflagadayn markad aragteen inay dadki nigu kaceen ayad iska dhigaysan dad laga gardaran yahay. Saaxibayal horta idinku kaligin aya freedom of speech wax kaa yaaqana miya? dee dadka kale baa markay freedom of speechkooda dhiibtan maxa laa qaylinaysan oo qoralkan khan uso qooray. Anagu wanu niiga foognahay ee bal dadkan ad abti isku yeedhan ee isku dagan tihin xaaq dhawra hadad xiishoonaysan.

  23. Libaax says:

    Gabaygan waxaa tiriyay Qawdhan ducaale bal sida uu u tilmaamay eega sacad muuse

    Abtirsiimo lama dhumiyee dhamacda maan oogo
    Maan dhamaan Isaq kula dhex dhaco waa dhambaal culuse
    Dhalinyarada reer Nuux col waa looga dhaar maraye

    Dhaxal eego mooyee ma laha dhirannaan ficile
    Hadu dhirranaa reer Shirdoon naga dhawaafeeye
    Ina Buux haduu nagu dhawyahay naguma dhawreene

    Dhamalqaylo nimanka u dhashayiyo dhirif Makaahiile
    Reer Samatar waa dhacan yahay oo dhiigse laga waaye
    Waxa dhaboolaqa lagu teediyaa dhiisha ceebta ahe

    Habarjeclona sida uu u tilmaamay eega
    Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo dhagartu weynaato
    Oo ficilku dhegahooda galo way ka dhididaane

    Kama dhawrsadaan abid hadii uu dagaal dhaco’e
    Dhiigyacabbadii Habar-Jeclaa dhaanka soo rarane
    Dhulbuteeye waan galin hadaan dhiman Xigaalkay’e

  24. mohamed tarabi says:

    Bacda salan, anigu wax kaa sheegi mayo reer dhan laakin waa marki labad ay qooladan aan isku deeganahay ay waxas okale hotel star kaa sameeyan. The first one happened back when the hotel was opened after the killing of the white man who accomodated the hotel then now star is the host of Al-shabab. Marka tan weligeed wayso jirtay waxan kuu tilmami kara CHEAP PROPAGANDA. Laakin waxay faidho uu tarto bal aan eegno haday sharaf garan waayeen. Taa labad ninkan la baxay nin galbeed hadanu yuhud keeno wadanka maxa adiga kaa qaban karta or is it any of u’r concern? Saaxib lineka haa dhaafine is daaji. hadal badan haan ma buuxiyo marka aniga opinion kayga waxa weeyan nimankan hananka saxafada haa racan ama gacan adag ha lagu qabto.

  25. Khan Maxamed says:

    Dhamaantiin waan idin wada salaamay waadna ku mahadsantihiin sida aad figradiina uga dhiibateen,anigu qoraalkayga dhexdhexaadnimo iyo wadanimo weeyaan waana waajib ina wada saaran in aynu figradeena ka dhiibano hadba waxa wadankii ka socda.

    Dadkeena wali waxa sugeysa hawl badan waa in dib loo eegaa nabadan maanta la haysto dhibkii loo soo maray ciyaar ciyaar kumay iman,hadaba waxa aad moodaa in Dadkeenu waxa kaliya ee ay doonayeen ay tahay oo kaliya nabad waxa jira waxyaabo badan oo laga gudbi karo iyo waxyaabo badan oo aynu qabsan karno,waxyaabaha ilaa hada aynaan ka gudbin ee dib inoo dhigey waa Nin jecleysiga iyo Beeleysiga,hadaynaan ka gudbin waxa hubaal ah in aynu la mid noqoneyno walaalaheena koonfur Somalia.

    Arin keeni kara isku dhac ama kala fogaansho marka la arko waa in la soo kala dhex galaa oo la qaboojiyaa,sidey wax u jiraana dhexdhexad laga noqdaa.

    Arinkan hada taagan sida aan wararka ka akhristey waxa ay shegayan in Nin ka dhex istaagay Masajid ku yaala xafada koonfur Hargeysa uuna u hadlay habka lagu yaqaano nimanka mayalka adag ee ka dagaalamaya koonfur Somalia,arinkan hadii la sahalsado waxa hubal ah in aynu khatar gali doono,wax ka qabashana ay hada leedahay,waana in Wasiirka Arimaha Gudaha uu arinkan la wareegaa waa Dr Gaboose warkana aad loo sii daba galaa,ilaa war cad laga helayo.

  26. Wiil-sacad hargeisa owner says:

    Waar niman yahow bal eega beeshan ciidagale kartiyara oo fulo nimo badaan hal nin baa xaarshay kkkkkk ,

  27. halyay says:

    milgo,waa yaab yusuf ayaa geesi ku sheegaysaa, maninkan saxaafada ku dawarsanaya ee is eh ha lagu xidho, dabadeed 1000 dolar oo aad ku cabto ha lagu siiyo ayaa geesi ah kkkkkk. geesinimooy ba, waliba waxa aad ag dhigaysaa M/weynaha , iyo clahi cukuse waligii gaadhi maayo. ogaw haduu siilaanyo xidho iminka waad qaylinaysaa marka uu soo daayo haduu 2000 u dhiibo wuu amaanayaa, ma taas ayaa geesinimo ah, ala shaqooyinku uu adeerkaa yuusuf yaqaanaa fara badanaa.

  28. eng cabdi rashiid says:

    waa uu mahasan yahay mr maxamed khan waxaan u sheegaya sxb khan waam kuleyahay khanow inader beeshu adba waad igtahay oo maha beel dhacdhac badan lakiin dulaan dhinaca saxafada ayaa lagu haya tan star hotelna iyo sheekhu kow maha waxa ka horeysay in layidha xafada amaankeedu ma saxsana oo hayadaha lasoo dhafiyo ambasador waxa ku nool dadqal iyo dacaydo badan oo mashruuc uu ku soo qatay ina gaboobe iyo waxa lamida marka anago aan beelna afka ku ragin ayaanu deeganakyada dhagxumada udiidayna ina gaboobe iyo cid kale oon ku ixtiramayna majirto waana salamantahay anigo kamida dadka tageera qormoyinkaga mahasaniod mr khan

  29. I was suggested this blog by my cousin. I am not sure whether this post is written by him as nobody else know such detailed about my problem. You are wonderful! Thanks!

Leave a Reply