10 kii danbe rabadaan+udiyaar garawga ciida+dadka danyarta ah+maciishadii oo qaaliyawday+naxariisla aanta ganacsatada,By: maxamed axmed cisman
marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan hawl wadeenada shabakada caalamiga ah ee oodwaynnews waxanaan lee yahay rabadaan kariim ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo sidaa quruxda badan ee aad u soo gudbisaan araada dadwaynaha iyo shaqadaa aad u haysaan qaran kiinaba
intaa kadib waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacbi waynahay reer somaliland meel kasta oo ay joogaa dal iyo dibadba waxaan lee yahay rabadaan kariim ilaahay bishan bisheeda ha inagu gaadh siiyo bash bash iyo barwaaqo.
hadaba hadii aan u dhaadhaco dulucda maqaalkan waxaan jeclaystay in aan maanta oo jimce ah 24 rabadaan ah in aan ku soo qaato fadliga sadaqada iyo u gar gaarida dadka dan yarta ah taas oo aynu kawada war qabno inta ku nool dalkeena dad danyar ah.
hadaba waxa aynu ku jirnaa 10 kii u danbeeyay ee rabadaan waa wakhti aad u fadli badan wakhtigaas oo mudan in lagaga faa iidaysto sadaqo iyo acmaal kale oo khayri ah wakhtigan oo kale waxa uu waalid waliba u soo iibiyaa ilmihiisa ama caruurtiisaba aan idhaahdee dharka ciida si ay ula qaybsadaan maalintaa ciida farxada ciidul fidrida waa inta awooda in ay u soo ibiyaane.
waxa jira dad badan oo dadkeena ah oon awood u lahayn in ay ciid siiyaan caruurtooda duruufo dhaqaale awgeed hadaba waxaan ku baraarujin lahaa dadwaynaha reer somaliland in ay il gooni ah ku eegaa dadka danyarta ah oo ay isku dayaan in ay maalinkaa farxada la wadaagaan sadaqada aad la baxdaa maalka ma naaqusiso ee way siyaadisaa wayna bara kaysaa waliba way sii kala fadli badan tahay sadaqado oo waa in aad qaraabdaada kaga bilawdaa
nabigu wuxuu ahaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee mid aad usii libi laaba bisha barakaysan bixinta sadaqada waxa uu yidhi nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee xadiis uu macnihiisu ahaaa laba malag ayaa soo daga maalin walba waxa ay yidhaahdaan ilaahayoow nin kii wax bixiyay badal siin kii aan aan waxba bixina ka baabii markaa wayn dareemi karnaa fadliga sadaqa xadiiskale ayaa jiray oo odhanaayay u naxariista cida ku sugnaatay dhulka waxa idiin naxariisan ilaahaye waxaan ku soo gababaynayaa hadalkayga waxba yaanu ila sii dheeraane hala xasuusnaado dadka walaalaheen ah ee baahan ama danyarta ah ilaahay ayaa mahad leh
maxamed axmed cisman
budapest hungary
mohamed



























