|

WARQAD QAYLA-DHAANA KU SOCOTA: WASIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND MUDANE C/LAAHI J CISMAAN (C/LAAHI GEELJIRE),By: SANWAA CUMAR YARE

WARQAD FURAN KU: WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND

                                           MUDANE: C/LAAHI JAAMAC CISMAAN

                                                                    (C/LAAHI GEELJIRE).

 

Mudane wasiir waxaan ugu horayn kugu salaamay salaanta Islaamka ee sharafta leh Asalaamu calaykum. Marka xigta Wasiir waxaan kugu hambalyaynayaa Xilkan Qaran ee laguu magacaabay ilaahayna hakuu yasiro Xil-gudashadiisa. Wasiir waxay ila noqotay inaan warbaahinta kuusoo mariyo waraaqdan sababtoo ah waa arin aan muwaadiniinta Somaliland hore ugu soo bandhigay khaasatan Qurba Jooga Somaliland.

 

Wasiir waxa jirta in intii taagtooda ahayd aanay umada Somaliland waxba ula hadhin una taagantay horumarka qarankooda. Wasiir anigoo runtii aqoonsan inaad tahay Masuul Karti iyo Aqoon sare Ilaahay siiya, hadana waa lagama maarmaan is-toosinta iyo is-tusaalayntu taasi oo ku qotonta kawada shaqaynta Danta Qaranka, sidaasi darteed waa inaan ka runtsheego inaan idinla shaqaynayo mudo xaddidan.

 

Wasiir nuxurka iyo subdaha waraaqdani waa sidatan hoos ku xardhan:

 

Lama xaqiri karo in saxaafada somaliland qayb libaax ka qaadatay kor u qaadista iyo iibgaynta Jiritaanka Qarannimo ee Somaliland xag kastaba ha ahaatee, laakiin wasiir waxaynu ka Liigaynaa meel halisa, waa meel u baahan in hore loo daweeyo si aynu ula tartano wadamada jaarka inala ah.

 

Wasiir hadaan sii saafo ulajeedada qoraalkayga, Saxaafada Somaliland waa mid ka shaqaysa dalka gudihiisa taasoo macnaheedu yahay inagaa is maqalna isna dhagaysana mana ka midha dhalinayno warbaahinteena ilaa aynu TV caalamiya samaysano. U fiirso wasiir, warbaahinta Somaliland waxay noqotay sidii Ilma yar oo quruurad lagu korinayo kaasi oon maqlayn, dareemayna waxa hareerihiisa ka socda, waxaan u jeedaa waa warbaahin dalka gudihiisa uun ku eg isla markaana aan caalamku la socon waxa ka dhex socda maalinkasta, inkastoo laga yaabo in Wufuud Beesha Caalamka ka socotaa habeen ay ku dhexdaawadan Somaliland TV dalka gudihiisa, taasina maaha wax micno samaynaysa. Wasiir waxaan kaa codsanayaa inaad Qurba jooga kala shaqayso Dib-u-furista RAAD TV si aanay madaxweynaheena, muxaafidkeena iyo mucaaridkeenu ugu baahan Universal Tv. In my point of view, this is the most reasonable counterattack. KAFTAN: Wasiir Dube iyo Doolaal waadigii wareejiyay hadaba goormay bilaabayaan Xaq-Ku-Adimistii ! ? salaamu calaykum Wasiir.

 

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal. 
SANWAA CUMAR YARE


 
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com 

15 Responses for “WARQAD QAYLA-DHAANA KU SOCOTA: WASIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND MUDANE C/LAAHI J CISMAAN (C/LAAHI GEELJIRE),By: SANWAA CUMAR YARE”

  1. runsheeg says:

    tank you very much mr sanwaa waar walee kani waa fariid waar maantu qiray in dubbe iyo dolaal xaq ku adimayeen walee talo fiican ayaad wasiir kana siisay ee looma baahna meesha universaltv

  2. Ahmd says:

    Waan ku raacsanahay in ay Somaliland u baahantahay war baahin caalamiya, radio am TV

  3. cabdulqani diiriye cali says:

    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

    alaah swt ayaa mahad oo dhan iska leh ku garansiiyey sanwaa yaroow rayigan in badan muwaadiniinta somaliland ay ka hadleen laakiin anigu waxaan filayaa in taa aynaan gaadhi karin ilaa wasiirka warfaafinta laga dhigo öuwaadinka qaaliga ah cali waran cade libaaxa somalialnd ee meeshii madoow ee loo dhiibo mugdiga ka saara iftiina ku bedela,
    reer kulmiyaha turkiga nala joogaa hada wada kulmiyaaban wada nahaye maadaama somaliland naga wada dhexeyso oo waanu u wada dabaaldegnay anagoo midahe waxay aaminsanaayeen in cali waran cade iyo cali sanyare aaney xukuumadeenu ka tegeeyn,waxaa aad u quman in qarankani u istaago inuu aduunka warkiisa gaadhsiiyo,mudo kooban la shaqeeyn maayo xukuumadan aan xisbigeeda mucaaradka ku ahaa laakiin toosiya aan wax dumin ayaan wadankeyga iyo dawladeeyda u ahaanayaa si aan u beeniyo dhasha sh isaxaaq bin axmed isma xukumi karaan hadalkaasina waa huf iyo been toosin aan la xag xagan iyagoo udub ay dadka rasaas la dhacaso ayaa rag u taagnaayeen toosinteeda uu ugu horeeyo abdirahman shotaly,aynu dhisno dalkeena hooyo.
    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

  4. yaxaas says:

    walee libaax baad tay sanwaayow wax la yidhi runta sheeg cid kuu markhaati furta ma weydide
    hdaba arinkaa aad keentay waa muhiim insha alla hadalkaagu wuu gali wasiirka
    dhakhsana waa loo furi tv ga umadeenu ubaaahan tay s/land waxa aan leeyey guudkeeda malab
    alla haysu mariyo

  5. alaale says:

    sanwaa wuxuu bilaabay waji ku vusub s/land waayo wuxuu ka mid ahaa xisbigii dalka ka talinayay iminkana mucaarad ah hadana mucaaradnimadiisu maaha mid wax lagu duminayo ee waa mucaaradadadii dimuqraadiyadu ogolayd ee wax dhisaysay waxaa loo baahan yahay in mucaarid iyo muxaafidba lagu daydo sanwaa UDUBna dib haloo bakhti afuufo oo hala dhiso si aan ugu baxsano hadii kulmiye ka soo bixi waaayo xilka loo igmaday waayo waa xisbi qiimo badan ku fadhiya ee mar dhexe ayuu qaloocday ee isagana hala toosiyo

  6. runsheeg says:

    raali noqda waan ku soo yara noqday arinta sanwaa cumar yare waad maahadsan tahay horta balse adna aan ku yara toosiyo ee imaqal waxaad ku kacsan tahay maxamed xaashi cilmi markaa kuu dhabo galay waxaad kula colowday laba arin 1.sarkhaan ina gabooyaa uhiilin jiray markuu rayaale eryay sanwaayow abti walee ma matalo ina gabooye markaana ina xaashi naf umuu hayn ee xin iyo xasarad buu waday halkaa ka sii yara daa 2. cawil baad aad isugu dhawayden waar halkaana ka sii daa ma sii fasilo e

  7. arabsiiyo says:

    ACWW.

    waar runsheeg horta magacan waad istaashishaa.
    laakiin inbadan sanwaa waan akhrinay qoraaladiisa sidaa hore loogu soo sheegayna waa mucaarid macquula ee markan runta idiin sheego habeen kasta waxaan is odhan jiray talaw ninkaasi ciduu yahay yaa kuu sheega.
    laakiin caawa ayaad iiyara fasishay markaad lahayd cawil baad aad isu xigtaan.
    mar waxaan is idhaah talaw ma waxay walaal yihiin fuad cumar yare iyo sir maxamuud cumar yare, caawana waan sii shakiyay oo waxaan is idhi waar talaw ma reerkii wada mucjisada ahaabaa MUUSE CARE maadaamay cawil is xigaan.
    CALAAYA XAAL sanwaa mawduuc aad u muhiima ayuu caawa halkan inooga soo jeediyay kuligeena waynu u wada baahan nahay TELEVISION CAALAMIYA ilaahayna arinkaa haynala garab qabto.
    SOMALILAND HA NOOLAATO.

  8. Maydh iyo rugay says:

    Asc .fikirkan usoo jeediyay sanwayne wa fikir ku salaysan wax ay umadu ubahantahay waa in u qaranku hela waliba tv ku baxa .arabic iyo english. Midkal mucaaradnimada udub wa mid ay dalka wax ugu qabanayso .ma aha ti kulmiye .

  9. Ceerigabawi says:

    Sanwaa Waad Mahadsan Tahay Cammo, Feker wanagsan baad keentay wana Kugu Aqaanay In Wax dadka Iyo Dalka U Dan ah U Soo bandhigto
    Xaqqa adna dhinacaaga Kaga Adin insha allaah kkkkkkkkkk
    Thanks Sanwaa

  10. BURCO BOY says:

    SANWAA AAD BAAN U MAHADSANTAHAY ,ARIN FIICANAHAY BAAD SOO BANDHIGTAY , WAAN KUGU HAM\BALYAYAYNA RUN ,LAAKIIN WAXAAN JECLAAN LAHAA IN AAN HALKA LAGA HADHIN EE FEKER FIICAN LAGA MIDHO DHALIYO , YADA OO LA KAASHANAYA , DAWLADA J,SOMALILAND ,GANACSATADA IYO DHMAAN MAWAADILINTA REER SOMALILAND EE XALAASHA AH JECELNA HORUMARKA DALKODA HOOYO. LANA MUUJIYO MIDNIMO QARAN IYO ISKU DUUBNASHO SI AAN ARINTA UGA MIDHA DHALINO .

    WAA BILAAHI TOWFIIQ

  11. Run Qayaxan says:

    Sanwaa wuu mahadsan yahay runtiina wax loo baahan yahay ayuu sheegay, laakiin SANWAA xisaabta ha ku darsado inaan RAAD TV oo mar hore dhintay loo baahneeyn ee ay Somaliland already leedahay laba TV oo Caalami ah Yurub iyo America uun baanay soo gaadhine laakiin adduunka intiisa kale ayeey gaadhaan waana SL National TV oo dawladu leedahay iyo Horn Cable TV oo private ah oo waddanka KENYA aad looga jecelyahay kana magac weynba Universal TV.Markaa wax badan maahee labadaasi uun mid ka mid ah ha la geeyo Europe, waanan hubaa inay Universal iska dhimanayso. Markaa Xaaji Sanwaa dhinacaana daacad ku talli sheekh oo inaga daa TV gii reerkii beri hore dhintay, kuwan aynu imika haysano uun ha la hor mariyo.

  12. yaxaas says:

    raganimada cumar yaraa kugu dhalay tolaay reer hargeysow habeenkii
    arooskii ilaahay ha naxariistee ina talyaani aad ka qaadaysay ma garanaysaa intaadse leekayd
    bal xasuuso hadaad jawaabaha akhrido

  13. dadwayne says:

    waaar raad tv ayaynu boodhka ka tumaynaa isaga ayaa calami ahe viiv soamalilan ilahgow na ilaali amiin amiin

  14. faisal geeljire says:

    SOMALILAND NATIONAL TV.baajira iyo midkale labadaa mid kamida halamaal geliyo oo halaga furo dalalka dibada.hana labalaadhiyo.inta mid xidhmey aa fureysaan kashaqeynaaya weynee.oo wax kubiiri.wasiirkuna taas waalagayaabaa,in wuu wax kudarsado,dawladduna ay aqbasho waana kukhasab dawladda tv dibada ah.figrad ahaan.weeye. ee birkumageyn

  15. Barwaaqo says:

    Dahir Riyale dowladisii Sideed Sanadood International TV ku sameen waydey ma haduu Sanwaa donayaa in dawoladan cusub ee bihsha jirty in ay sameeyso International TV. How come he did not mention that in public when his party was governing But not to worry it will come first things first.

Leave a Reply