Mid ka mida Murashixiinta Barcelona oo sheegay in Coronavirus uu Baabiiyay Kooxda Barcelona

Victor Font oo ah mid ka mid ah murashaxiinta Madaxtinimada kooxda ku Badda cagta Barcelona, ahna Hoggaamiyaha Si al Futur ayaa sheegay naadiga magaca weyn ku leh dunida uu burburay dhaqaale ahaan iyo niyad ahaanba, waxaanu eedda dusha ka saaray madaxweyne Josep Martia Bartomeu.

 

 

Font oo qoraal uu soo saaray warbaahinta maxalliga Spain lagu daabacay ayaa waxa uu xusay in muddadii uu Bartomeu madaxweynaha ahaa ay Barcelona u duntay dhaqaale ahaan iyo niyad ahaanba, waxaanu ku baaqay in doorasho degdeg ah la qabto, si kooxda loo badbaadiyo.

 

 

Hadalkan oo yimid saddex maalmood kaddib markii ay iscasileen Emili Rousaud iyo Enrique Tombas oo ahaa labadii Madaxweyne ku-xigeen ee ka hooseeyey Bartemu iyo afar xubnood oo kale oo agaasimeyaal ahaa oo kala ahaa Silvio Elias, Maria Teixidor, Josep Pont iyo Jordi Clasamiglia, ayaa waxa uu Font ku dooday in sidan ay kooxdu tahay hadda ay noqonayso inay sii burburto haddii aan la beddelin madaxda ah oo ah kuwa dhibaatadu kasoo bilaabantay.

 

 

Font waxa kale oo uu soo qaaday fadeexadda shirkadda I3 Ventures oo horraantii sannadkan soo baxday, isla markaana bannaanka keentay in lacago lagu siiyey inay fadeexadayso xiddigo ka tirsan kooxda oo ay ugu horreeyaan Lionel Messi iyo Gerard Pique.

 

Shirkadda ayaa la siiyey alcag gaadhaysa 980,000 Euro iyadoo shaqada ay qabatayna lagu sheegay in aanay ka badnaateen 150,000 Euro.

“Wax walba waa inaanu Eber (0) kasoo bilowno.” Ayuu yidhi Fonte oo tilmaamay in nidaamkii guulaha, hab-xisaabeedkii naadiga iyo sidii loo maamulayay dakhliga soo gala intuba ay baaba’ yihiin.

Si kastaba, Barcelona ayaa dhibaatooyin khilaaf ah hadheeyeen bilihii ugu dambeeyey, waxaana la eegi doonaa sida ay wax ku dambeeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker