Madaxweynaha Somaliland oo markastuu Ethiopia nyimaado lakulma garab kamida ardayda reer Somaliland gaar ahaan kuwa beeshiisa, By: C/RAXMAN SHANDAQIIQO
waxan halkan ka salamayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland sida fiicaney ugu adeegaan dadkooda hadh iyo habeenba.
Waxan maanta qalinka uqaatay inaan u iftiimiyo bulshada reer Somaliland, una digo madaxweyn Axmed siilanyo , maadaama uu yahay madaxweyne qaran oo lagasoo doortay dhamaan gobolada iyo degmooyinka kuyaala xayndaabka xadka Somaliland.
Waxa jirta in madaxweyne Axmed siilanyo lagasoo bilaabo xiligii uu lawareegay kursiga dalka looga taliyo, uu ugu baxay safaro badan wadamo katirsan dunida oo uu kamid yahay dalka Ethiopia.
Waxa jirta arday aad ubadan oo reer Somaliland ah oo wax kabarta jaamacadaha kala duwan ee dalka Ethiopia , kuwaas oo markasta ubaahan una jeelan lasocodka iyo xogta dalkoodii hooyo, cidda keliya ee ay xog buuxda kaheli karaanna ay tahay marka laga reebo warbaahinta , masuuliyiintooda halkan yimaada oo uu hormood kayahay madaxweyne Axmed siilanyo.
Akhriste waxba yuu qalinku ila silbanine hadaan usoo dego dulucdayda, ardayda reer Somaliland ee jaamacadaha dalka Ethiopia oo uqaba hamuum xog waraysiga madaxdooda ayaa ku hungoobay taas, kadib markii uu madaxweyne siilanyo mudo laba jeer ah oo uu yimid magaalada ADDIS ABABA oo ay imiku kamid tahay uu lakulmay garab kamida ardayda, kuwaas oo ah kuwa ay isku beesha yihiin, iyada oo uu ufududeeyo ninka la yidhaa Xirsi oo ah nin ku sifoobay qabyaalad iyo garabaysi.
Hadabo waxaan talo ugusoo jeedinayaa madaxweynaha inaanad la meeqaam ahayn Xirsi ee aad tahay nin ummad dhami soo dooratay, loona doortay inuu barkulan u ahaado dhamaan unugyada ay ka koobantay Somaliland, dhexna u ahaado, kitaabna goob fagaare ah kaga dhaaratay taas.
Hadabo madaxweyne waxad tahay maanta nin da’ wayn oo taagan xiliguu sawir taariikheed waxtar le uga tegi lahaa dalkiisa iyo dadkiisa ee aanu ahayn xili uu qolo jeclaysi wax ku maamulo.
Madaxweyne yaanay ku xajiimayn niman aduunkan u da’ yari oo weliba aad adigu soo magacawday, ee ka fogow nabarada canbaareed ee lugugu xaman jiray, una weeco inaad bulshada tusto sawir kaas hore kaduwan maadaama ood imika tahay nin waayeela, wax badan iyo taariikh badana usoo joogay, ilaahayna hayna wada waafajiyo khayrka dhamaanteen.
C/RAXMAN SHANDAQIIQO
shandaqiiqo143@hotmail.com
ADDIS ABABA, ETHIOPIA
—————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
Waad iska badhaacisay sxb madaxwaynee axmed maxamed maxamuud silaanyo ma ah nin qabiil ee waa madaxwane qaran sidaad qirytayba qabiil iyo waxaasi sxb waa la dhaafay ee sharaftA madaxwayna ah waa in la illaaliya waayo qaran waliba isga ayaa ilashada madaxwaynahooda halka aad ka ledahay arday ay isku rer yihiin ayuu la kulma Maad raacdid intaad xanuun ka iska saarto . Sida aan hadal kaaga ka dhandhan saday kolay ma tihiid qof cilmi wax lagu fahmo oo enough ah leh waxaaad moda inaad hada baranayso sida siyaasada loga hadlo marka sxb qabiil iyo waxaa waa la dhafay ee tag dhakhtarka isi soo dawe waad bugtaaye . Wasiirka madaxtooyada mudane xirsi xaaji Cali sxb waa masuul xilkisa guta qabyaaladna ma yaqaan dad meelaha ka cayaa waxay la yaban yihiin wanaagiisa iyo wax qabadkiisa oo uu ilaaliyo howsha uu u hayo qaranka jahmuuriyada s/ land marka sxb melahaa ka hadaaq jahil ayaad tahay ayaan filaya.
Dhamaan shacabka jahmuuriyada s/ land Waan ka raali galinaya ninkaasi wax meesha u ku qoray ee ka fog xaqiiqada
Waa qabyali waliba sii xoga ugu adega balse waxan odhanlaha cabadka
Iska daya gadhcade Shaqadisu gudanayaye
xirsi maanta barna maynee anigu waxan soo bartay markuu iskuulka kumputerada lahaa ee uu macalin ka dhigay intuu macalimiintii eryey mid yaroo uu ka keenay hawd iyo geeloodii oo uu yidhi dhig komputer , anoo cusub ayuu kaasi i helay markasuu malintii danbe yidhi kalmada noocasa siday uqormaysay(please)ayay ahaydbaan filayaa .
markaa anigu xirsi la yaabi mayee , waxaan la yaabayaa ninka utagay imika ee yidhi xirsi baan qabyaalad kaga soo cadhoonayaa , kaasi wadanka isagaa adeerkii fadeexadeynayaa lakin taariikhdaa qori….
Odeyga waxay ceebtiisu soo baxday waaguu Guddoominayey S-ta. Khusuusigu waxay ahaayeen lix R-Xaaji ah.Nassib abaynu se leenahay haddaan Ilka-yar la shir iman S-Gaal.Reerka waxa aad mooddaa in waddaniyaddoodu heer hooswe joogto.Ina Riyaale iyo kuwii ka horreeyey way ka xishoon jirayn in hawlaha qaranka ay sinaba uga dhex uuqdaan wax dufan leh oo beelaysani ama sad-bursi ka soo urayaakkkkkkkkkkkkkkkkkk
Ku waceys: horta marka hore sxb Waan ku salamay. Xirsi iyo silaanyo madaxwaynaha qaranka jahmuuriyada s/ land iyo dhamaan masuuliyinta qaranka waxay mudanyihiin sharaf iyo respect looma baahna qofyar oo melaha wax ka soo qorqore dalkaaga sxb jeclow madaxdana ka daa shaxaadka badan Waan la socda in xirsi ku siin jiray shaxaad barigii hore uu umada wax barijiray tarikhda xirsina sxb adiga iska dayo kumanaan qof ayaan gadhayn markaa adiga Waan ku fahmay in lagu jawaabo xita sxb ma istahishid waayo waad madhantahay qabiil Bari hore Somaliland dhaaftay oo bacda qashinka lagu tuuray ayaad wali hadal Haysaa AMA ku dhaqmaysa sxb umada soo gaasha wabsite ka ee wacan dhagaha uga bax iskana tahriib warkaaga wan hayna .
hargeysa oo dhan baa,cabanaysa,madaxweynuhu reereysiga,ma isagaa wada,mise kan eeriboorka ee wasiirka ah ee dadkii kale aan beeshiisa kawada eryey,eeka wada dhigay,beeshiisa,wuxuu dhistay,guri qiimihiisu yahay.3oo.ooo/ doolar.ilaahay baa,ku arkaaya oo lagugu xawilay?xirsina waxaan leeyahay,waar maro cad baa qof walba la saari?
Magacaagaa nagaga filan maskaxdaada, shandaqiiqo ayaad tahay wax micno leh ma tihid. Nedel alfataa cashar.Waar ma inuu madaxweynuu qolkaaga kuugu yimaaddaad rabtaa oo furaashka kuu hurgufo. Bilaa edeb baatee mardambe cabasho noocaas ah ha soo gelin website-yada. Beeshiisuu la kulmuu ku leeyey u tagdee yaa kaa xiga bahalyaw cuqddda iyo nacasnimadu isu raacday .
waar shandiiqo yaan la caayine wax loo sheego.ileyn madaxweynaha kama xigtaane ,hadaad leediheen waan ka xignaa geysta gurigiina madaxweyne ha idiin ku noqdo .caay iyo amaan wuxuu mutaysto ayuu yeelanayaa .
Kkkkkkkkkk kornayl waad cadhotayba mala iska dulqAaado wibsite yadu waxay sahlayn qof madhantahay oo wax melahaas ku soo qorqoraaya waxaad moda yarkA in lagu soo dhex tuuray wibsite yada markaa sxb kolay hada waxaan filaya inu cararay ee bal wAx ha dhaho wakaSe markA runta loo sheegay kkkkkkk
Dr jama : sxb ma diidani in wax laga sheego madxwanaha AMA madaxda kale lakiin waxaan didnay AMA uga jawaabayna hadalka bila xigmada ah ee u soo galiyay meesha waayo dalkani qabiil uu dhafay markaas ayuu dadka waxaa ka dhex leyahay inkasta oo anu cidhna wax u dhimayn ee uu cabiray aQoontiisa gaaban hadana runta ayuun baanu u shegaynaa .
eelku maaha in madaxwayna la magaayo waa reerka shaydaanba camasiir bu ka dhigay dadka qaarkood waar silanyo weligii ma noqon nin qabiil maantana noqonmaaye xirsi maxa lagu haysta xirsi dadkan ma hoyadood buu dumaalay ila waxani wayaabe. maxa inta wasiir e somaliland ka jira keligii loo eega magac saw noqon mayso dadyaw waalani jelmaguugnun baa ubahantihiin munafaqada joojiya dee hadu islami idinka dumaalayna la heshiiya ila wa adeerkiine hooyada ninka qaba wa adeerkaye
mid waxaan idhi ragan meesha ku kaftamaya midna waxaan idhi inaabtiday nimco hoodo ragan waxaan idhi sihufan u kaftama oo yaan lafta la jebin korka sare kawda nimcona waxaanidhi inaabti kaftan kani rag buu u dhexeeyaaye ha soo dhex gelin
inaabti dumar waa dhaxdin baa layidhiye is hubso oo ha degdegin
kkkkkkk
Inanku hadu run ka hadlay maxa loo gubanayaa.hadi m.silanyo la kulmo ardayda rerkisa kuwa kalana laga hor istago sida wiilkani shegayo wa fadexad anigu xirsi tuug la yaabi mayo silanyana la yaabi maayo ee waxan la yaabayaa dadkan baranla…..
haaa sxb waxaad modaa in meesha anydin waxba ku hayne ma qaar ayaa yimi ku af baranaya meesha ama ku kafatan baranaaya kaftanku waxaa uu leyahay milge ama meel laga galo lagana baxo ee maha iska dheh waxii beena laguma kaftamo hadii aad tihiin muwadiin xalaal ah waxaad maad tidhaahdeen waxaan jecelahay inaad tihiin cadaowga jahmuuriyada somaliland markaa hadii aad kuwaa tihiin sxb pc iska arki melahaa ka hafaaqa qarankani uu tashadaye somalida ayaa ku mahamahda duqontu inatay gudo kale eegayso ayaa keedu qudhmaa kkjkkkkkkkk . hadii aad tihiin dad somaliland ah sxb ilaalshada madaxdiina oo ka daaaya beenta aad soo galinaysa website waxaa jooga oo markhaatiya in madaxwaynuhu la kulamay jaliyada oo dhan addis ababa inkastoo uu hawlaysnaa oo anu haynin wakhti uu ku wada qanciyo shacabkiisa jooga halkaas markaas waxaan leyahay xirsi waa halyay waana geesi qaran wasiir oo kaliya mahee waa mujaahid waran u soo dagaalamay aqoon buuxda u leh mamul iyo wanaajin shacabkiisna u adeegaya ee aan xaraan iyo khiyaano wadin marka hadii aad ka xuntahay taas walahay waa wax adiga kuu yala 5 years iyo in ka badanba isga ayaa haynaya xilka qaran ka ee ah wasiirka madaxtooyada jahmuuriyada somaliland markaa ka naxow nafta waa. xirsi waa nin aqoon maadi iyo mid dineedba leh xaraana ma cuno dadka shacabkana uu ilaaliya waxii uu qaranka u hayna uu uruuriya ee ma kala daadsho markaa hadii aad ka xuntahay taas waa dhibaato kuu taala adiga
Xirsi waa tuug u tafoxaytey inuu umada dhaco, waa bahal billa tacliin, tababar iyo waayo aragnimo ka maqantahay. Xirsi tuug gaaban oo aan rag aqoon ahayn weeye waxwalba dilaalaya afar Habarjeclo ah oo tuugana sameystey si uu waxa uu xadayo ugu qarsado, afar Habarjecloo kale oo tuug iyo basaasiin ahna suuquu kusoo daayay, alla caqli xumaa Xirsi Tuug iyo afarta tuug ee Habarjeclo ee umadii ka yaabiyey. Aabihiin gaajada ka wasee yiroowe ku noqda oo umada farsamo xumada iyo anshax darada kala fadhiisna aabihiin iyo Siilanyahan cadka ah ayaanu caayiye!!! War waxan bilaa anshaxa ah ya Siilanyo ku yidhaa naga qabo? waar Xirsi tuug wasiiradii adeerkiina xaarkiisii ayay la qasteen oo waakuwan ayakuna boob ku mashquulsan, waar Habarjeclo show haraad iyo gaajo ayaa isu raacay, takale Kulmiye ayaa waxasoo dhan noogu wacan, aabihiin iyo kulmiyihiina ayaanu caayi, waar WADANI ayaanu nahay idink iyo gaajadii abihiin idinku dhalay ku noqda cayayaaan bilaa anshx ah weeye tuugtani
It’s obvious when someone cares about writing great articles. This article is truly a quality informational piece containing solid views and interesting content. I strongly concur with many of your views. I enjoyed reading this.