WAX XUN SHEEG WAA SIXIR, by: mahad abdi
Aan ku bilaabo ciwaanka maqaalkayga wax xun sheeg waa sixir . waa laba erey oo macno ahaan kala duwan, balse marka la mataaneeyo walaaloobi kara, isla markaana uu akhristuhu si fudud u fahmi karo macno ahaan iyo u-jeeddo ahaanba. Haddaan gudaha u galo u-jeedada farriintaydu siddo. Saxaafaddu waa mindi laba afleh oo loo adeegsan karo duruuf kasta iyo waayo kasta oo nolosha kamida. aynu ku horrayno weriyaha ama qoraga macquulka ah waxa looga baahan yahay waxaa kamida sida: aqoonta mihnaddan uu u ban-baxay, Dacaadnimo inuu bulshada ugu adeego, akhlaaq ahaan inuu iska dhiso, inuu leeyahay wariyuhu Hal-abuurnimo uu wax ku cabbri karo, saadaalin karo, Mala-awaali karo.sidoo kale dadka wax ku qora mareegaha internetka ee aragtidooda dhiibanaya maaha i n ay waxay doonaan ku hadlaan oo is dhahaan reerkina u hadal ama hebel u jawaab waxaad ogaata akhriste in aad maqaal aad qortey naf bila adan ku go i karto ama ku bad baadi karto waxaad kaloo ogata in beelo ama bulsho nabad ku seexdey colaad ku dhex tuuri karto oo maaha waxaad doonto Qor noloshu iyada bulshada u macaline oo waxii dhacay wax ku qaado ma ogtahay in kacdoonka carabta uu ka bilaabmay wiilkii is gubey ee reer tunis maqaal uu ku qorey shabakada facebook oo kacdoonkaas ay ku nafwaayeen dad ka badan nus malyuun ay ku jiraan madaxweynayal wasiiro iyo madax kale ba
dadka soomalidu inta badan waxay ka hadlaan siyaasad mana aha wax bulshada aduunku kala mid tahay oo dadweynaha kale ee aduunku wax yaabo kale ayey ka hadlaan qaar waxay ka hadlaan mawduuc yada arimaha bul shada qaar waxay ka hadlaan caafimaadka qaar waxay ka hadlaan suaalo aqoon korodhsi
Qaar wax ay ka hadlaan waayo aragnimo ay gaadhen qaar wax yaabo qosol leh qaar diinta iyo dhaqanka bal hadaba waxa somali siyaasada ku wada foogey
Weriye kasta ama masuulkasta ama shakhsi kasta oo saxaafada ka hadlaya waxa ku jira gacantiisa iyo afkiisa iyo qalinkisaba masuuliyad iyo ilaalinta Dadweynaha iyo wadankaba balse nasiib daro qaar badan ma oga saxafadu waa xor laakin maaha in ay xornimadeeda tahay ta xayawaanka oo kale
Ninkasta ama gabadh kasta oo wax akhriyeysa ama qoreysa waxa ku waajiba inay wax xeeriso oo waxaad arkaysa dad u jawabaya dadka wax qora
Oo aan is weydiiney qofkan maxaad ugu jawaabi aragtidada oo hufan dhiibo tiisa dhaaf oo waxa ama masuul masuul uga jawaabaya saxaafada
Qofkasta Luqadda uu isticmalayo waa inuu garan karaa ereyadeeda togan, iyo kuwa taban-ba Tusaale ahaan Hooyaday way Dhashay, iyo way Umushay waa Isku macne waana hal-luqad oo waa Somali laakiin way ku kala duwan yihiin asluub ahaan iyo damiir ahaan midna dhagta iyo damiirka ayaa soo dhaweynaya Midna way diidayaan.
Sharafta weriyaha ama qoraha waxaa kamida inaanu lahayn qof jeclaysi waayo shaqsiga aad jeceshahay ee siyaasiga ah ama fannaanka ah, dadbaa neceb Taas kasoo horjeedkeeda kaad necebtahayna dadbaa jecel, waa inaad yeelataa bar-kulan kuu gaara oo aad ku qarin karto waxa laabtaadu rabto
Haddiise aad maalinna aad tidhaahdo xirsi xaaji cali uma qalmo wasiir Barrina aad tidhaahdo wuxuu qalmaa Madaxweyne dadku ma waalna caruurna maaha Waxaadse u sheegtay shaqsiyaddaada liidata. Taas macaheedu maaha inaad fikirkaaga cabbiri weydo balse Wariye fikirkaagu yaanu is duqayn.
Sharafta weriyaha waxaa kamida in loo kala saaro saxafi ka hawl gali kara Fogaan-arag (TV) iyo saxafi ka hawl gali kara Idaacad, ama wargays. Nin indhacas, Ilkacas, ama ilko la´a iyo mid aan xammilayn Korontada indhaha ka haysa oo marka uu TV-ga soo fadhiisto aanay ishiisu fadhiyin muqaal ahaan waxaa uu ku fiicanyahay inuu ka hawl galo wargays ama Idaacad. Balse saxaafadda Somalida waxaad ku arkaysaa intan iyo in ka badan. sharcigii iyo noloshii waxaynu Dhaafsannay nolol maalmeed kooban, taas oo sababtay in qofku shaqo aanu hibo u lahayn uu xuurtaysto.
Sharafta weriyaha waxaa kamida marka uu waraysi qaadayo inuu lahaado ujeeddo cad oo kulmisa su`aashiisa waa inuu garankaraa qofka uu waraysanayo Awooddiisa, aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa taasi waxay u saamaxaysaa in bulshadu fahanto ujeedada barnaamikiisa balse haddaad shaqsi waraysato Midab Cad ama Madaw oo uu ku yidhaahdo aqoonsiga Somalilad gacantayduu ku jiraa maaha inaad bulshada jaah-wareer ku riddid ee waa inaad leedahay xirfad aad ku muujin karto beenta iyo runta. adiga oo aan ka tagayn asluubta shaqsinimo isla markaana liqaya caadifadda niyaddaadu rabto.
Sharafta saxafiga Muslimka ah waa mid ka xajmi iyo culays weyn ka aan ahayn Muslimka Nabbigeennii Suubbanaa Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa aha ahaatee Wuxuu yidhi “Qofka waxa Been ugu Filan isaga oo sheega waxaanu hubin“ Marka been laga hadlayo waa eray fudud balse qiime ahaan aad u liita qof ahaan iyo Qaran ahaanba waxa uu dumin karaa wax badan oo wanaagsan cay waxa ugu filan beenale
Wariye waxa kuu habboon inaad hubsato warka aad u shaeegayso bale haddaad la soo booddo War deg deg ah ah. Hadhowna uu noqdo huf iyo been ogow lagu baray e laguuma noqon doono.
Sharafta saxaafiga waa mid ka tarjumaya muuqaalka Qaranka tusaale ahaan haddaad adiga oo garaabo ka dhargay oo waliba ay kaa muuqato sida ragga Qaar aad shaashad soo fadhiisato ilduufkaaguna bato waa laf jab. taas macnaheedu waa ummadda aad u warramayso inay kaa liidato.
waxaad arkaysaa wariye shaashad fadhiya oo u gacan taagaya dadka daawanaya ama qaabka uu gacmaha u fiiqayaa ay tahay anshax xumo. run ahaan
waxa la odhan karaa waxa iyaguna hada batey wax loogu yeedho saxafiga madaxa banaan kaas oo ah shakhsi dhiibanaya aragtidiisa oo xidhey shaadh weriye taasna maaha in lagu dhuunto saxaafada oo qofku waxa wacan inuu aragtidiisa u dhiibto si shakhsi ah mana aha aragtidaada inaad dadka ku aflagadeyso oo ma wacna in saxaafadu noqoto fadhi ku dirir iyo waxaad rabto ama reer kiinu rabo inaad ku dul cabirto bulshada dusheeda ee waa in aad keenta wax xiiso le h
Waxaan odhan lahaa guntii iyo gebogebodii qof kastoow masuul baad tahay oo naftaadad masuul ka tahay oo umadaad masuul ka tahay oo dalkaad masuul ka Tahay oo qarankaad masuul ka tahee ogowtaa oo in aad siyaasad u qorto ama ka hadasho maaha waajib ee qoraalo madaadaalo ah na waa in aad isku daydaa
Siyaasadu waa arin dawlad iyo xisbi siyaasi ah u gaara somaliland waxay ku jirtaa nabad iyo jawi degan ee aynu sida dunida kale dhino xooga siyaasada ee ku Wajahan dadweynaha oo dadku aragti nooc kasta leh ha dhiibtaan saxaafaduna ha soo diyaariso waxyaabo aduunka ka dhacay nooc kasta oo ay yihiin
mahad abdi
mahadxarago@hotmail.com
—————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,




























aaad baan u fahmay mahadow siyaasad un bey nala barteen ee halkaa ka wad arimaha bulshada
kkkkkkkkkkkkkk thanks
horta qoraalka maan akhriyin se ishaan la raacay , ma xuma ugu yaraan waa qoraal nidaamaysan oo paragraph iyo qeybo kala le iyo conclusion. haday somalidu sidaas wax u qoroto waxbaa la fahmi lahaa.
waxa na wareeriyay qaar 2 sadar maalin kaste soo qoro oo wax kaste ku dhameeya 2 sadar lool
qoraalkan wa ficenyehey, in la soo gabiyo baa ka siifiican, hadii kale dadku mawada akhriyaayaaan,, Odayga yaroow lool
Mahad adeer da’daada iyo sidaad wax u qortay waa kal yara wayn yihiin, mise dawirkaa siddeetameeyadii ah
Anyway si macquulaaf wax u qoraty waa kuu hambalyaynayaa
war kan yar ee casi ma iimelkisa ayuu websayd yad uqaybinyaa waan arkayo wax uu u eegyahay qof lag xiiran wayee
camii soo dhalo dadaalkan halkaa kasii wad kuwo hore o ku ceeboobay baan gooob joog u ahaye sawirkaga ilasho miskiin baad tahaye
Hi, you met me in the Hong Kong airport watiing for a connecting flight to the US. We talked and I bought one of these keychains from you. I haven’t actually used it (I don’t carry keys), but I just liked the idea behind it. It’s in my sock drawer still in the plastic bag with the card. I use it as a reminder for me. Thanks and keep it up. If you’re ever in Philly look me up.