Haweenay Aan Jidhkeedu Damqashada Aqoon Oo Uu Adkeysto Xitaa Dabka

Joe Cameron waa haweenay aan dareemin waxyaabaha xanuujiya jidhka aadamaha, haweenaydan ayaa waxa qabsaday dab ka soo baxay moofada furinka lagu dubo, balse may dareemin xanuunka dabkaasi waxa aanay ogaatay in jidhkeeda dab qabsaday waxase ay urisay urtii ka soo baxaysay maqaarkeeda.

 

Haweenaydan ayaa waxay dhakhaatiirtu sheegeen in jidhkeeda ay ku jiraan unugyo u diidaya inay dareento xanuunada ay dadka caadiga ahi dareemaan, sidoo kalena haweenaydan ayaan aqoon cabsida iyo wallaaca.

 

Haweenaydan ayaa waxay gashay qaliino waxa aanay dhakhaatiirta ku fuliyay qaliinadaasi ay sheegeen in aanay haba yaraatee wax xanuun ah aanay dareemin, dadka noocani oo kale ah ayaa dunida aad ugu yar waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in dadka Dunida ku nool ee la midka ah Cameron la helay hal qof oo keliya.

 

Dadka noocani oo kale ah ayaa sidoo kale dhibaatooyinka iyo xanuunada soo gaadha ee dadka caadiga ah saamaynta kaga taga ay hore uga bugsadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker