|

MAANTA KOLKAAN DAAWANEY HORN CABLE TV WAAN KU DIIRSANEY OO ROOBAA INOO CURTEY! By: Mahdi AHMED

Waxaan salaamaya dhamaan ummadda Somaliland ee jecel jiritaanka iyo sharafta dalkoodda,Maanta ooy tariikhdu tahay 28/01/2010 waa maalin tariikh ku leh dadka yurub jooga ee Somaliland waa maalin aynu xorowney oo dalkii macaana aynu toos ugu daawaneyno HORN CABLE TV,(WACTCH HORN CABLE TV FREQUENCY 1081SH 27500).
Maanta waa maalin aanu xorowney oo dalkeeni,dhaqankeeni,afkeeni,iyo sharafteeni meel aynu ka sii deyno aynu helney,maanta waa maalin la mid ah maalintii aynu gacata ku dhigney Somaliland,waa maalin ay caruurteenu ayna dib u daawan doonin af nooc kale ah oo FIIRI,CUNUGA IYO ABAAYO.waa maalin aynu murtideena,sugaanteena iyo aqoonteena aynu daawan doono  inagoo yurub joogna,waa maalin ayna TV danbe aaneynu hoos fadhiisan karin,oo INA XOOSH danbe hablaheena iyo milgaheena inagu caayi karin.
Waxay ahayd in mar hore la furo TV ay leedahay Somaliland se waxaa gaabiyey dowladda,tijaarta,aqoonyanadda iyo dhamaan qurbo jooga,se maanta waxaa inoo ka cay ragii ficilka iyo aqoonta lagu yaqaaney.ilaahay ha ka baal mariyo.
Waxaan leeyahay dhalinta iyo waayeelba ee u dhashey somaliland waar HORN CABLE TV waa kii nii ee u shaqeeya oo is garabtaaga waliba intuu kor u soo kacayo aad u caawiya.
oo wixii xayeeysiisa ka soo deysta oo dhinac walba kala shaqeeya.
ilahay Somaliland ha caawiyo,HORN CABLE TV ilahay mid lagu diirsado ha ka dhigo >>>>AMIIN.>>>>AMIIN.
Mahdi Ahmed
LONDON
mahdi AHMED
mahdi172@hotmail.com

——————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kala dilla.

24 Responses for “MAANTA KOLKAAN DAAWANEY HORN CABLE TV WAAN KU DIIRSANEY OO ROOBAA INOO CURTEY! By: Mahdi AHMED”

  1. libaax yare says:

    waa runtaa sxb waa ku diirsanay waana horumar inaan homcable daawano

  2. Xagar-boodhle says:

    Mangawdoo candhadii golaha marisee aan maalo hasheena maan deeqeey..Hambalyo,hambalyo dhamaan reer Somaliland iyo HCTV ba

  3. geesigu, maliico says:

    maansha alaah maansha alaah alaylahe waa u baahnayn tv ay leedahay somaliland oo caalamka oo dhan laga dhagaysto waa guul u soo hoyatay somaliland gabi ahaanteed iyo somlai waxii jecel horumarka somaliland
    ilaahow noogu wad horumarkaas hambalyo

    somaliland viva

  4. Somaliland@hotmail.com says:

    Somaliland dalkaygi , guulaysta waad naga farxiseene,

  5. jafajugle says:

    manshala war xalay un ban tv badh badho waxaba igaga so bodayaba hc tv manshal iyo barmamijkii nura oo mid rer somaliland turjumayo xalay qosol man sexanba lol hadanu nahay jahliyada rer somaliland ee hamburg hanbalyanu lenahay

  6. Atoore says:

    hambalyo hambalyo horn cable tv.

  7. Runta bidhaamiye says:

    Wagar Maasha aladaaba dhacadan waar ma anaad ii sheegaysaa kii ina Xaaji Cali iyo,Tuugtiiay is bahayteen.
    Walee Sxbyaal waxaad tihiin munatfaafill waana si wanaagasan in Sidaa la noqdaa, laakiin Aqoonta aad u leedhihiin,
    HCTV ayaa aad uyar ayaa fuilayaa, oo waxaad tihiin dadkii Jaaliyadaha, markaas anigu waxaan idin oldhan alaa.
    Malafkooda(File-kooda) amam Cvga HCTV, Gudoomiyahooda Inax Xaji Cali iyo Agaasimayaasha maamula iyo shwaalha ka hawl galab soo baadha, markaasna eega jawaanta idiinka soo baxda.

    Fiiro Gaar ah.
    ogow in ninmanki ay aaminsan yihiin Fikirka Soomaaliweyne, waa hubaal taasi .

  8. Somalilander says:

    Maansha Allah, ka naxaw nafta waa. Ilaahay horumarka ha inoo siyaadiyo iyo dadaalka ay dadkeenu wadaan, waynu u baahnayn in habeen kasta iyo wakhti kasta muuqaaladii dalkeena aynu ku seexano iyo ku soo toosno. Ha waarto Somaliland, Calankeeda Tawxiidku ku dhigan yahayna waligii ha sareeyo.

  9. mr saami19 says:

    scw waa wax loo bahanaa inbadana la sugyay in aynu helo tv ay nu leenahay somalilanderkuna ay in badan sugyeen
    waa wax lagu farxo waxaan leenahay hanbalyo dadaalkinan sii wada oo yaan la daalin waa la doogiye yaan la dacaroon
    long life somaliland alow khayrka nawaa faji amiin amiin amiin

  10. geeljire dhuguf says:

    internet, malaga daawan karaa-

  11. geesigu, maliico says:

    ASC ku runta bidhamiye waxaad tahay qudhun bidhaamiye waar dadka kala dhexbax qudhunka aad faafinaysid waad bugtaa walaahi in aanad ahayn qof caafimaad qaba waayo faanbaad ka dhiganaysaa hadalada xun xun ee aad ledahay waxaanad tahay cadow inangumeed oo la soo dirtay waa guul u soo hoyatay umada somaliland

    somaliland viva

  12. Ali dhere says:

    Walalayalow ii soo sheegka frequency London

  13. xuseen nuur abdi qasim says:

     
    Asc walaalayal galab wanaag san waxaan rabaa in aan baroo beeyo nasiib keyga aan barobeeyo  magacey ko waa xuseen nuur abdi qasim waxan daganahay seiden.

  14. nuur ali says:

    asc wllo waxan ku  nolahaya wadank  austari wllo waxa raba ii tijabiyo nasibka 

  15. siciid yaasiin ismaaciil says:

    marka hore waxan halkan  ka salaamaya shaqaalaha horn cable tv daadihiyashaaya barnaamijka galab wanaagsan  magacaygu waa siciid yaasiin ismaaciil  waxan ku noolahay  boqortooyada saudi arabia gaar ahaan magaalada jeddah  bal nasiibkayga  halay tijaabiyo

  16. maxamed c/rahmaan iyo siciid yaasiin says:

    waxanu ku noolanahay wadankaboqortooyada saudi arabiya  waxanu leenahay hal noo eego nasiibkayga waxan halkan ka salaamaynaa bahda tilifiishanka caaliga ha horn cable tv  gaar ahaan  daadihiyaaasha barnaamijka galab wanaagsan  khaastan safiya sheekh nuur noo eeg nasiibkayga 

  17. axmed ciid warsame iyo ina sugaal says:

    waxan ku noolahay saudi arabia waxan salaamayaa horn  cable tv dhamaantood   gaar ahaan safiya sheekh nour nasiibkayga baan doonaya in lay eego 

  18. nawaal says:

    asc dhamaan hoolwadeenada barnaamishga galab wanagsan safiya abaayo adiga neh waan ku salaamay waxaan rabaa aniga neh nasiibkee ka in la ii eego 

  19. nawaal says:

    aniga oo ah ma gaceeyka niwaal waxaana salaamaa dhamaan umada soomaliyed waxaana joogaa wadanga holland waxaana rabaa inaad ii eegtaa nasiibkeeyka safiya waan ku salaamay 

  20. nuur says:

    magacaygu waa nuur xuseen fure faahiye.
    Intaa kadib waxaan salamayaa shaqalaha hctv.
    Waxaan jooga dalka ETHIOPIA Gaar ahaan jijiga.waxaan doonayaa inaan nasiib kayga.

  21. nuur says:

    magacaygu waa nuur xusen fure waxaan jooga casimada dawlad deegaanka soomaalida ee itoobiya waxaax doonayaa inaan nasiib kayga eego.

  22. nuur says:

    magacgu waa nuur xusen waxaan jooga ethopia jijiga.waxaan doonaya inaan eego nasiib kayga.

  23. idil says:

    asc magacgu waa farxiyo yusuf waxan jooga wadank inaaan eego kayga ausrati garahan vienna

  24. Nuur xuseen fure says:

    Asalama calaykum marka hore waxaan salamayaa daadi hiyaasha barmaamijka gaar ahaan (nimco samriye).
    Waxaan jooga ethoipia gaar ahaan D.D.D.S waxaan raabaa inaan eego nasiibkayga.

Leave a Reply