Muxuu yahay gantaalka Tomahawk ee loo adeegsaday weerarkii xarunta raadaarka ee Xuutiyiinta?

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday saldhigga raadaarka ee kooxda Xuutiyiinta ayaa ahaa mid loo adeegsaday gantaalka loo yaqaano Tomahawk. Balse muxuu yahay gantaalkaan?

Tomahawk waa gantaal ku shaqeeya nidaamka bartilmaameedsiga ee caalamiga ah ee GPS, waxaana uu u duulaa si aan toos ahayn isaga oo raadsada halka lagu shubay maskaxdiisa oo kaliya, sidaas waxaa sheegay milatariga Maraykanka.

Gantaalkaan ayaa jari kara masaafo dheer, waxaana inta badan horay u adeegsaday ciidamadda badda ee Maraykanka iyi Ingiriiska, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa hawlgallada maraakiibta gujiska ah.

Sida ay sheegeen taliska ciidmada Maraykanka gantaalkaan ayaa ku duuli kara joog hoose isaga oo ku socda xawaaraha guuxa ka dheereeya.

Markii ugu horeysay Maraykanka ayaa isticmaalay intii uu ku guda jiray hawl uu ugu magac daray Duufaanta Saxaraha xilligaas oo uu socday dagaal Gacanka ee sanadkii 1991 dii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker