Maaha wax sii ridan hadallada warbaahinta laga jeediyo, ee wax magaratada iyo carruurta lagu maaweeliyo, waxaase dunidu wax ku kala qaadataa qoraallada iyo saxeexyada dawladuhu kala qortaan, haddiiba ay wax heshiis ah galaan. Taasi waxay horseeddaa in cidkasta oo arrin idin dhex marayaaba kugu qiimayso heshiisyadaada masuuliyiintu ay galaan. Runtii ma jiro xidhiidh dhaqaale, ama [...]









